Markos 8:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 11:21-23 : 21 Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan. 22 Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan? 23 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.
  • 2 Boq 4:42-44 : 42 ¶ Oo nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii. 43 Markaasaa midiidinkiisii wuxuu ku yidhi, War waa sidee, ma intanaan boqol nin hor dhigaa? Laakiinse isagii wuxuu yidhi, Dadku ha cuneene sii; waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Way cuni doonaan, oo weliba wax bay reebi doonaan. 44 Sidaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.
  • 2 Boq 7:2 : 2 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
  • Sab 78:19-20 : 19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa? 20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
  • Mat 15:33 : 33 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?
  • Mark 6:36-37 : 36 Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan. 37 Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?
  • Mark 6:52 : 52 Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.
  • Yoox 6:7-9 : 7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato. 8 Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi, 9 Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 15:32-34
    3 aayado
    89%

    32¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

    33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

    34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.

  • Mark 8:5-9
    5 aayado
    86%

    5Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

    6Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.

    7Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.

    8Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.

  • Mark 8:1-3
    3 aayado
    82%

    1¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

    2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

    3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.

  • Luuk 9:12-14
    3 aayado
    82%

    12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

    13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

    14Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.

  • Mark 6:35-38
    4 aayado
    81%

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

    37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

    38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • Mark 8:19-21
    3 aayado
    81%

    19Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Laba iyo toban.

    20Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

    21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?

  • Mat 16:8-10
    3 aayado
    79%

    8Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?

    9Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

    10Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • Mat 14:15-20
    6 aayado
    79%

    15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

    16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

    17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.

    18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

    19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

    20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

  • Yoox 6:7-13
    7 aayado
    78%

    7Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.

    8Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi,

    9Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?

    10Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.

    11Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

    13Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.

  • 33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • Mat 15:36-38
    3 aayado
    77%

    36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.

    37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

  • 44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

  • Luuk 9:16-17
    2 aayado
    76%

    16Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan.

    17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.

  • 16Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.

  • 5¶ Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan.

  • 5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.

  • 14¶ Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.

  • 31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.