Matayos 14:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 15:23 : 23 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.
  • Mark 6:35-36 : 35 ¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay. 36 Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.
  • Mark 8:3 : 3 Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.
  • Luuk 9:12 : 12 Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:34-38
    5 aayado
    88%

    34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

    37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

    38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • Luuk 9:12-14
    3 aayado
    87%

    12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

    13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

    14Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.

  • Mat 14:16-23
    8 aayado
    83%

    16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

    17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.

    18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

    19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

    20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

    21Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

    22¶ Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.

    23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

  • Mat 15:32-39
    8 aayado
    80%

    32¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

    33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

    34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.

    35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.

    36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.

    37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

    39Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

  • Mark 8:1-4
    4 aayado
    79%

    1¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

    2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

    3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.

    4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?

  • Mark 6:31-32
    2 aayado
    78%

    31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.

    32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.

  • Yoox 6:16-17
    2 aayado
    78%

    16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

    17Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.

  • Mat 14:13-14
    2 aayado
    77%

    13¶ Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

    14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

  • 9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.

  • 35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • Yoox 6:12-13
    2 aayado
    74%

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

    13Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.

  • 17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.

  • Mark 6:44-47
    4 aayado
    73%

    44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

    45¶ Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale oo Beytsayda intuu dadkii badnaa dirayo.

    46Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.

    47Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.

  • 5¶ Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan.

  • 31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

  • 12¶ Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

  • 20¶ Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.