Yeremyaah 6:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 8:9 : 9 Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?
  • Ish 1:2 : 2 ¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.
  • Yer 22:29 : 29 Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.
  • Yoox 3:19-21 : 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
  • Fal 8:22 : 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
  • Yoox 12:48 : 48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.
  • Yer 17:10 : 10 Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
  • Yer 19:15 : 15 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
  • Hos 4:6 : 6 Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.
  • Hos 10:13 : 13 Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.
  • Miik 6:2 : 2 Buuraha iyo dhulka aasaasyadiisa warayow, Rabbiga dacwaddiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadkiisa, oo wuxuu la muddici doonaa dadka Israa'iil.
  • Ish 59:7 : 7 Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.
  • Ish 66:18 : 18 Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.
  • Yer 4:4 : 4 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
  • Yer 6:10 : 10 Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
  • Sharc 4:26 : 26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan.
  • Sharc 30:19 : 19 Maanta waxaan u yeedhayaa samada iyo dhulka inay idiinku markhaati furaan, inaan idin hor dhigay nolol iyo geeri, iyo barako iyo inkaar, haddaba sidaas daraaddeed nolosha doorta idinka iyo farcankiinnuba aad noolaateene,
  • Sharc 32:1 : 1 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye, Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
  • 1 Sam 15:23 : 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
  • 1 Sam 15:26 : 26 Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya.
  • Maah 1:24-31 : 24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan; 25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin; 26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto; 27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan. 28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan; 29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran; 30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen; 31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
  • Maah 15:26 : 26 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
  • Maah 28:9 : 9 Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • Yer 11:10-11
    2 aayado
    77%

    10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

    11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 3adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • Yer 18:10-11
    2 aayado
    75%

    10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.

    11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

  • 24Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,

  • 19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.

  • 10Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.

  • 29Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.

  • 4Anna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.

  • Yer 25:7-8
    2 aayado
    74%

    7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

    8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

  • 16Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • Yer 6:20-21
    2 aayado
    73%

    20Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.

    21Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 6Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

  • 10¶ Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • Yer 5:20-21
    2 aayado
    73%

    20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

    21Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:

  • Yer 14:10-12
    3 aayado
    73%

    10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

    11Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkan wax wanaagsan ha ugu ducayn.

    12Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.

  • 2¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.

  • Yer 26:3-4
    2 aayado
    73%

    3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

    4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 6Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

  • 13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.

  • 14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

  • 6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 28Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.

  • 12waxaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.