Yeremyaah 18:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 17:13 : 13 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.
  • Ish 1:16-19 : 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca. 18 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan. 19 Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
  • Yer 35:15 : 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
  • Yer 7:3 : 3 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
  • Yer 25:5 : 5 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.
  • Miik 2:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.
  • Sak 1:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Fal 26:20 : 20 laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
  • Yac 5:1 : 1 ¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.
  • Ish 5:5 : 5 Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
  • Ish 55:6-7 : 6 ¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay. 7 Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.
  • Yer 3:1 : 1 ¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 3:22 : 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
  • Yer 4:6 : 6 Calan u taaga xagga Siyoon, carara oo ha joogsanina, waayo, anigu waxaan xagga woqooyi ka keeni doonaa masiibo iyo halligaad weyn.
  • Yer 4:23 : 23 ¶ Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.
  • 2 Boq 22:13 : 13 War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran.
  • Bil 11:3-4 : 3 Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo. 4 Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
  • Bil 11:7 : 7 Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
  • 2 Boq 5:5 : 5 Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.
  • Yer 36:3 : 3 Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.
  • Yer 36:7 : 7 Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
  • Yer 51:11 : 11 Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qasdigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
  • Bar 3:39-41 : 39 Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa? 40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno. 41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
  • Yex 13:22 : 22 Idinku kan xaqa ah been baad ku qalbi jebiseen, kaasoo aanan anigu qalbi jebin, oo waxaad sii xoogayseen gacmihii sharrowga si uusan jidkiisa sharka ah uga soo noqon, oo uusan u badbaadin,
  • Yex 18:23 : 23 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu miyaan innaba sharrowga dhimashadiisa ku farxaa? Sowse kama aan jecli inuu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado?
  • Yex 18:30-32 : 30 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon. 31 Xadgudubyadiinnii aad xadgudubteen oo dhan iska xoora, oo waxaad yeelataan qalbi cusub iyo ruux cusub, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan? 32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu innaba kii dhinta dhimashadiisa kuma farxo, haddaba soo noqda oo noolaada.
  • Yac 4:13 : 13 ¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan yidhaahda, Maanta ama berri waxaannu tegi doonaa magaalo, oo halkaasaannu sannad joogi doonnaa, waannu baayacmushtari doonnaa oo faa'iidaysan doonnaa,
  • Yer 26:3 : 3 Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.
  • Yer 26:13 : 13 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.
  • Yer 11:19 : 19 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.
  • Yer 18:18 : 18 ¶ Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.

  • 5Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.

  • 3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

  • 12Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.

  • Sak 1:3-4
    2 aayado
    78%

    3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.

    4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.

  • 3Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

  • 8haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.

  • 3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.

  • 30Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu midkiin kastaba waxaan u xukumi doonaa siday jidadkiisu ahaayeen. Haddaba soo noqda, oo xadgudubyadiinnii oo dhan ka soo noqda, si ayan xumaantu halligaaddiinnii u noqon.

  • Yer 1:14-16
    3 aayado
    76%

    14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

    16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 7Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 15Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.

  • Yer 11:8-11
    4 aayado
    75%

    8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

    9¶ Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.

    10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

    11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 11Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.

  • 12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.

  • 5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 3adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 2Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 19Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.

  • 15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 13Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

  • 16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.

  • 13Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan?

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • 5Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.