Yeremyaah 46:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 20:5-6 : 5 Markaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed. 6 Oo kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?
  • Yer 43:12-13 : 12 Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa. 13 Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
  • Bax 12:12 : 12 Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
  • Saf 2:11 : 11 Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
  • Ish 19:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.
  • Yex 30:13-16 : 13 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa. 14 Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa. 15 Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa. 16 Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.
  • Yex 32:9-9 : 9 Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa. 10 Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa. 11 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon. 12 Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.
  • Yex 39:6-7 : 6 Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 7 Oo waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • Nax 3:8-9 : 8 Bal adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa? 9 Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.
  • Ish 30:2-3 : 2 oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan! 3 Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.
  • Ish 31:1-3 : 1 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin. 2 Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya. 3 Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.
  • Yer 17:5-6 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay. 6 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.
  • Yer 42:14-16 : 14 oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa, 15 haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan, 16 markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 30:13-16
    4 aayado
    77%

    13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.

    14Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.

    15Oo waxaan cadhadayda ku dul shubi doonaa Siin oo ah qalcadda Masar, oo dadka badan oo Noona waan baabbi'in doonaa.

    16Oo Masarna dab baan ka dhex shidi doonaa. Siin xanuun weyn bay heli doontaa, Noona waa la wada burburin doonaa, oo Nofna maalinta oo dhan waa la cidhiidhin doonaa.

  • 13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

  • 19iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan,

  • Yex 30:18-19
    2 aayado
    75%

    18Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

    19Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 4Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.

  • 24Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi.

  • Yex 30:10-11
    2 aayado
    74%

    10¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.

    11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

  • 8Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.

  • Yer 44:29-30
    2 aayado
    73%

    29Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

    30Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.

  • 18Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

  • Yex 30:24-26
    3 aayado
    73%

    24Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.

    25Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    26Oo Masriyiinta waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 13¶ Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.

  • 12Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.

  • Yer 43:11-12
    2 aayado
    72%

    11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.

    12Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.

  • 6Oo dadka Masar deggan oo dhammu way wada ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, iyagu waxay reer binu Israa'iil u ahaayeen ul cawsduur ah.

  • 22Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.

  • 4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

  • Yex 32:31-32
    2 aayado
    72%

    31Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoon iyaguu arki doonaa, oo dadkiisii badnaa oo dhan ayuu u qalbi qaboobi doonaa. Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan seef baa lagu wada laayay.

    32Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cabsidaydii waxaan dhex dhigay dalka kuwa nool, oo Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan ayaa kuwa buuryaqabyada ah dhexdooda lala dhigi doonaa kuwa seefta lagu laayay.

  • Yex 29:9-10
    2 aayado
    72%

    9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

    10Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.

  • Yex 29:2-3
    2 aayado
    71%

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.

    3La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

  • 27Bal eega, iyagaan fiirinayaa inaan masiibo ku dejiyo, wanaagse u keeni maayo, oo dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhan waxay ku wada baabbi'i doonaan seef iyo abaar, ilaa ay kulligood wada dhammaadaan.

  • 15Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

  • 21Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

  • 18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 6Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

  • 19Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.

  • 18¶ Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Bax 14:17-18
    2 aayado
    71%

    17Oo bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

    18Oo Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

  • Ish 30:2-3
    2 aayado
    70%

    2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

    3Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab.

  • 19Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.

  • 3Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.

  • 8Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 17Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.