Yexesqeel 29:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 43:10-13 : 10 Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo. 11 Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa. 12 Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa. 13 Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
  • Yex 30:24-25 : 24 Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale. 25 Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 32:11 : 11 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.
  • Yex 29:8-9 : 8 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa. 9 Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay. 10 Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.
  • Yex 30:4 : 4 Oo seef baa Masar ku dul dhici doonta, oo Itoobiyana waxaa jiri doona xanuun weyn, markii kuwa la laayay ay Masar ku dhex dhacaan, oo markaasaa maalkeeda badan la qaadan doonaa oo aasaaskeedana waa la dumin doonaa.
  • Yex 30:10-12 : 10 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan. 11 Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay. 12 Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Dalka Masar ayaan isaga u siiyey hawshiisii uu hawshooday aawadeed, maxaa yeelay, aniga ayay ii shaqeeyeen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Yex 30:9-11
    3 aayado
    82%

    9Oo maalintaas waxaa iga ambabbixi doona wargeeysyo doonniyo fuushan inay cabsiiyaan kuwa reer Itoobiya oo aan waxba tuhunsanayn, oo waxaa iyaga ku soo kor degi doona xanuun weyn sidii wakhtigii Masar oo kale, waayo, bal eeg, waxyaalahaasu way imanayaan.

    10¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.

    11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

  • Yex 29:17-18
    2 aayado
    80%

    17¶ Oo haddana sannaddii toddoba iyo labaatanaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,

    18Wiilka Aadamow, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ciidankiisuu hawl weyn oo Turos ka gees ah ka shaqaysiiyey. Madax kasta wuu bidaaroobay, oo garab kastana wuu diirmay, laakiinse isaga iyo ciidankiisii toona Turos mushahaaro uu hawshii iyada ka gees ahayd ka shaqeeyey kama ay helin.

  • 13¶ Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

  • Yex 30:21-25
    5 aayado
    74%

    21Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar gacantiisaan jebiyey, oo bal eeg, lama kabin si ay u bogsato, oo waxba laguma duubin in xoog loo yeelo si ay seef u qaaddo aawadeed.

    22Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan ku ahay Fircoon oo ah boqorka Masar, oo gacmihiisana waan jejebin doonaa, tan xoogga leh iyo tii jabtayba, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa in seeftu gacantiisa ka dhacdo.

    23Oo Masriyiintana waxaan ku kala eryi doonaa quruumaha dhexdooda, waddammadana waan ku kala dhex firdhin doonaa.

    24Oo xoog baan u yeeli doonaa gacmaha boqorka Baabuloon, oo seeftaydana gacantiisaan u dhiibi doonaa, laakiinse Fircoon gacmihiisaan jejebin doonaa, oo hortiisuu kaga cabaadi doonaa sida nin dhaawac ahu uu u cabaado oo kale.

    25Laakiinse gacmaha boqorka Baabuloon kor baan u qaadi doonaa, oo gacmaha Fircoonna hoos bay u dhici doonaan, oo markaan seeftayda gacanta boqorka Baabuloon u dhiibo, oo uu dalka Masar ku dul fidiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 7Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.

  • Yer 43:10-11
    2 aayado
    74%

    10Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.

    11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.

  • Yex 29:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Oo haddana sannaddii tobnaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii laba iyo tobnaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.

  • Yex 32:11-12
    2 aayado
    73%

    11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.

    12Waxaan ka dhigi doonaa in dadkaaga badanu ay seefaha kuwa xoogga badan ku wada le'daan. Waxay wada yihiin kuwa laga cabsado ee quruumaha, oo waxay dhici doonaan waxa Masar ku kibirtay, oo dadkeeda badan oo dhanna waa la wada baabbi'in doonaa.

  • Yex 29:12-14
    3 aayado
    73%

    12Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.

    13Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay afartan sannadood dhammaadaan ayaan Masriyiinta dadyowgii ay ku kala dhex firidhsanaayeen ka soo ururin doonaa.

    14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 5Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.

  • 7Oo boqorkii Masarna mar dambe dalkiisii kama uu soo bixin, waayo, boqorkii Baabuloon baa wada qaatay ilaa durdurkii Masar iyo tan iyo Webi Yufraad ee uu dhammaan boqorka Masar lahaa.

  • Yex 29:8-10
    3 aayado
    73%

    8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, waxaan dushaada ku soo dayn doonaa seef, oo dad iyo duunyaba waan kaa dhex baabbi'in doonaa.

    9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

    10Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.

  • Yex 30:18-19
    2 aayado
    73%

    18Oo Texafneheesna maalintaa ku madoobaan doonta, markaan harqoodyada Masar halkaas ku jejebin doono, kibirka xooggeeduna wuu ka dhex baabbi'i doonaa, oo iyada daruur baa qarin doonta, oo gabdhaheedana maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

    19Sidaasaan Masar xukummo ugu soo dejin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yer 46:25-26
    2 aayado
    73%

    25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.

    26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 19Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.

  • 2Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.

  • 4Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.

  • 18Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • 13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

  • 10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.

  • 6Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan.

  • 17Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.

  • Yex 32:15-16
    2 aayado
    71%

    15Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    16Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taasu waa baroorta iyada loogu barooran doono. Gabdhaha quruumuhuna way ku barooran doonaan. Waxay ugu barooran doonaan Masar iyo dadkiisa badan oo dhanba.

  • 2¶ Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.

  • 11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

  • 19iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan,