Yeremyaah 27:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 21:9 : 9 Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.
  • Yer 27:2 : 2 Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.
  • Yer 27:8 : 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
  • Yer 27:12 : 12 ¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.
  • Yer 38:2 : 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.
  • Yer 40:9-9 : 9 Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan. 10 Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen. 11 Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan 12 ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
  • Yer 42:10-11 : 10 Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey. 11 Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 27:12-14
    3 aayado
    87%

    12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

    13Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?

    14Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • Yer 27:6-10
    5 aayado
    85%

    6Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan.

    7Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona.

    8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

    9Haddaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon,

    10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.

  • 17Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa?

  • Yer 25:11-12
    2 aayado
    80%

    11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.

    12Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yer 27:21-22
    2 aayado
    78%

    21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

    22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • Yer 40:9-11
    3 aayado
    76%

    9Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.

    10Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen.

    11Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan

  • 24Markaasaa Gedalyaah u dhaartay iyagii iyo raggoodiiba, oo ku yidhi, Ha ka cabsanina addoommada reer Kaldayiin; haddaba dalka degganaada oo boqorka Baabuloon u adeega, oo waad nabdoonaan doontaan.

  • 7Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

  • Yer 42:10-11
    2 aayado
    74%

    10Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey.

    11Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 22Oo dadkii dalka Yahuudah lagaga tegey oo Nebukadnesar oo boqorkii Baabuloon ahaa uu uga tegey, kuwaas wuxuu taliye uga dhigay Gedalyaah ina Axiiqaam oo ahaa ina Shaafaan.

  • 12Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.

  • 21Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.

  • 5oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?

  • 10Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 20Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 19Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay,

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 2Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.

  • 33¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.

  • 11Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.

  • 16Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.

  • 4Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • 24Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 16Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.