Ishacyaah 14:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 60:14 : 14 Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Ish 61:5 : 5 Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.
  • Daan 7:18 : 18 Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba.
  • Daan 7:25-27 : 25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis. 26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta. 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
  • Sak 14:2-3 : 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono. 3 Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
  • Room 15:27 : 27 Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka.
  • 2 Kor 8:4-5 : 4 iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta, 5 oo mana aha sidaan rajaynay, laakiin hortii way isa siiyeen Rabbiga iyo annagaba sidii Ilaah doonayay.
  • 2 Kor 10:5 : 5 Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
  • Gal 5:13 : 13 ¶ Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
  • Ef 4:8 : 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
  • Muj 3:9 : 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
  • Muj 11:11-18 : 11 Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn. 12 Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen. 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada. 14 ¶ Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa. 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis. 16 Oo afar iyo labaatankii oday oo carshiyadooda ku fadhiyey Ilaah hortiisa way dhaceen, oo intay wejigooda dhulka saareen, ayay Ilaah caabudeen, iyagoo leh, 17 Rabbiyow Ilaaha Qaadirkaa oo jira oo jirayow, mahad baannu kuu naqaynaa; maxaa yeelay, waxaad qaadatay xooggaagii weynaa, oo wax baad xukuntay. 18 Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.
  • Muj 18:20-24 : 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay. 21 ¶ Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
  • Yer 30:16 : 16 Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.
  • Cesr 2:65 : 65 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.
  • Sab 68:18 : 18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
  • Ish 18:7 : 7 Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.
  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Ish 60:9-9 : 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay. 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay. 12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,

  • 77%

    44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

    45Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

    46Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Aam 9:14-15
    2 aayado
    76%

    14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

    15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

  • Coba 1:19-21
    3 aayado
    76%

    19Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.

    20Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed.

    21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 12Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid.

  • 33¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.

  • 2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 11Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.

  • 25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.

  • 5Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.

  • 22Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.

  • 73%

    16Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.

    17Oo wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa.

  • 12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.

  • 24Mid xoog badanu wuxuu qabsado miyaa laga qaadaa? Miyaase la samatabbixiyaa maxaabbiistii kan xaqa ah?

  • 22Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.

  • 14Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay?

  • 8Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya.

  • 14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

  • Yer 12:14-15
    2 aayado
    73%

    14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

    15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 7Oo xeebta waxaa yeelan doona kuwa dadka Yahuudah ka hadhay. Iyana adhyahooda ayay halkaas daaqsan doonaan, oo fiidkiina waxay jiifsan doonaan guryihii reer Ashqeloon, waayo, Ilaaha Rabbigooda ah ayaa iyaga soo booqan doona, oo maxaabiistoodiina wuu soo celin doonaa.

  • 14Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 14Oo maxaabiista Masar baan soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay dalkii Fatroos oo ah dalkii ay ku dhasheen ku noqdaan, oo waxay halkaas ku ahaan doonaan boqortooyo hoosaysa.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 16Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.

  • 11Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.

  • 11Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.

  • 9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

  • 42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

  • 20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 14Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 2Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.

  • 16Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya.

  • 21Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.

  • 12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.

  • 8Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.