Yeremyaah 29:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 29:29 : 29 ¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.
  • Yer 37:3 : 3 Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
  • Yer 52:24 : 24 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog.
  • Fal 9:2 : 2 oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.
  • 1 Boq 21:8-9 : 8 Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa. 9 Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya. 10 Oo hortiisana waxaad fadhiisisaan laba nin oo waxmatarayaal ah, oo iyana isaga ha ku marag fureen, oo ha ku yidhaahdeen, Adigu waxaad cayday Ilaah iyo boqorka. Markaas isaga dibadda u bixiya oo dhagaxyo la dhaca si uu u dhinto. 11 Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay. 12 Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen. 13 Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.
  • 2 Boq 10:1-7 : 1 ¶ Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaa idinla jooga wiilashii sayidkiinna, oo waxaad haysataan gaadhifardood iyo fardo, oo weliba waxaad ku jirtaan magaalo deyr leh, hubna waad haysataan; haddaba markii warqaddanu idiin timaado, 3 doorta kan ugu wanaagsan oo ugu wada fiican wiilasha sayidkiinna oo ku fadhiisiya carshigii aabbihiis, oo u dirira sayidkiinna aawadiis. 4 Laakiinse aad iyo aad bay u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Labadii boqorba way hor joogsan waayeene bal innagu sidee baynu u taagnaanaynaa? 5 Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee. 6 Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey. 7 Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gureen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.
  • 2 Boq 19:9 : 9 Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,
  • 2 Boq 19:14 : 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
  • 2 Boq 25:18-21 : 18 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog; 19 oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay. 20 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon. 21 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
  • 2 Taar 32:17 : 17 Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.
  • Cesr 4:7-9 : 7 ¶ Oo wakhtigii Artaxshasta ayaa Bishlaam, Mitredaad, Taabeel, iyo saaxiibbadiisii kale arji u soo qoray Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris, oo warqadda farteedu waxay ahayd tan Suuriya, waxaana lagu micneeyey afka Suuriya. 8 Taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa ayaa sidan warqad Yeruusaalem ka gees ah ugu soo qoray Boqor Artaxshasta. 9 Markaasaa waxaa qoray taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo saaxiibbadoodii kale oo ahaa reer Diinaayee, iyo reer Afarsatkaayee, iyo reer Tarfelaayee, iyo reer Afaarsaayee, iyo reer Arkewaayee, iyo reer Baabuloon, iyo reer Shuushankaayee, iyo reer Dehaayee, iyo reer Ceelaam, 10 iyo quruumaha intoodii kale oo boqorkii weynaa oo gobta ahaa Aasnafar u soo gudbiyey oo dejiyey magaalada Samaariya iyo dalka intiisa kaloo webiga ka shishaysa iyo wixii la mid ah. 11 Kanu waa naqilkii warqaddii ay Boqor Artaxshasta u direen: Dadka webiga ka shisheeya, oo addoommadaada ahu waxay leeyihiin, 12 Boqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen. 13 Haddaba boqorow bal ogow, in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, ayan iyagu markaas bixin doonin gabbaro, canshuur, amase baad, ugudambaystana boqorraday wax yeeli doontaa. 14 Haddaba annagu waxaannu cunnaa cusbada hoygaaga, boqorow, oo naguma habboona inaannu aragno adigoo lagu ciso jebiyey, oo sidaas daraaddeed ayaan kuugu soo cid dirnay oo kuu ogeysiinnay, boqorow, 15 si loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey. 16 Boqorow, waxaannu ku ogeysiinaynaa in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, aadan sababtaas aawadeed waxba qayb ku yeelan doonin inta webiga ka shishaysa.
  • Nex 6:5 : 5 Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.
  • Nex 6:17 : 17 Oo weliba waagaas kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah warqado badan bay u direen Toobiyaah, oo iyagana waxaa u yimid warqadihii Toobiyaah.
  • Nex 6:19 : 19 Oo weliba waxay hortayda kaga hadleen falimihiisii wanaagsanaa, oo hadalkaygana isagay u sheegeen. Toobiyaahna warqaduu iigu soo diray inuu i cabsiiyo.
  • Yer 21:1-2 : 1 ¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh, 2 Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 29:26-32
    7 aayado
    83%

    26oo waxaad tidhi, Rabbigu wadaad buu kaaga dhigay meeshii wadaadkii Yehooyaadaac inaad saraakiil u noqotaan guriga Rabbiga iyo inaad xabsi ku riddid oo aad silsilado ku xidhid nin kasta oo waalan oo nebi iska dhigaba.

    27Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?

    28Waayo, isagu cid buu noogu soo diray Baabuloon, oo wuxuu yidhi, Maxaabiisnimadiinnu waa muddo dheer, haddaba guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.

    29¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.

    30Markaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,

    31Kuwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,

    32sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 24¶ Oo weliba Shemacyaah oo ah reer Nexlaamiina waxaad ku tidhaahdaa,

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

  • Yer 29:3-4
    2 aayado
    77%

    3Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,

    4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • Yer 27:3-4
    2 aayado
    75%

    3Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.

    4Oo waxaad iyaga ku amartaa inay sayidyadooda ku yidhaahdaan, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad sayidyadiinna ku tidhaahdaan,

  • 3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • Yer 29:19-22
    4 aayado
    73%

    19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

    20Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

    21¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.

    22Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

  • 7Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.

  • 2Eraygaas Nebi Yeremyaah ayaa kula hadlay dadkii Yahuudah oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem degganaa oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 15¶ Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • 3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • 20Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.

  • 11Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.

  • 1¶ Haddaba, wadaaddadow, amarkan idinkaa laydiin soo diray.

  • 16Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 5Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

  • 8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

  • 9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

  • 18Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;

  • Yer 27:15-16
    2 aayado
    70%

    15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.

    16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • 8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.

  • 15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.

  • 7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.

  • 2Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 15oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray ku tidhaahdaan,

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

  • 5oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,

  • 1¶ Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,