Nexemyaah 6:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:10-12 : 10 Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon. 11 Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn. 12 Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
  • 1 Boq 1:7 : 7 Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.
  • 1 Boq 1:18 : 18 Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!
  • 1 Boq 1:25 : 25 Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.
  • 1 Boq 1:34 : 34 Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado.
  • Nex 6:12-13 : 12 Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad. 13 Oo taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.
  • Maah 26:24-26 : 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo. 26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
  • Fal 23:15 : 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.

  • 8Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.

  • Cesr 7:14-15
    2 aayado
    76%

    14Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaahaaga oo gacantaada ku jira,

    15iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem,

  • 19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • Ish 7:5-6
    2 aayado
    74%

    5Suuriya, iyo Efrayim, iyo ina Remalyaah waxay kuugu tashadeen talo xun, oo waxay isku yidhaahdeen,

    6Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,

  • Yer 22:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

    2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.

  • 3Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.

  • 27Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?

  • 25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,

  • 9¶ Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.

  • 6¶ Oo waagii Ahashwerus boqortooyada qabsaday markii dowladnimadiisu bilaabatay ayay ashtako ka soo qoreen dadkii degganaa Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • Yer 29:15-16
    2 aayado
    72%

    15Maxaa yeelay, idinku waxaad tidhaahdeen, Rabbiga ayaa Baabuloon nebiyo nooga dhex kiciyey.

    16Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,

  • 15si loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey.

  • 7Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.

  • 12Boqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen.

  • 6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • Yer 17:19-20
    2 aayado
    71%

    19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

    20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 10¶ Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.

  • 29¶ Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • 12Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.

  • 27¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,

  • 6Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 16Quruumaha u diga oo Yeruusaalem ogeysiiya in ilaallo ay dal fog ka imanayaan, oo ay magaalooyinkii dalka Yahuudah ku qaylinayaan.

  • 12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

  • 18Warqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.

  • 2ayay Sanballad iyo Geshem ii soo cid direen oo waxay yidhaahdeen, Kaalay oo aan ku wada kulanno tuulooyinka bannaanka Oonoo ku yaal middood. Laakiinse waxay ku fikireen inay belaayo igu sameeyaan.

  • 16Oo intuu isaga la hadlayay, ayaa boqorkii ku yidhi, War ma annagaa boqorka lataliyihiisii kaa dhignay? Bes, bal maxaadse u doonaysaa in lagu garaaco? Markaasaa nebigii iska daayay oo wuxuu yidhi, Waxaan ogahay in Ilaah ku talo jiro inuu ku halligo, maxaa yeelay, waxan baad samaysay, oo taladaydiina ma aadan maqlin.

  • 17Markaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh,

  • 12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

  • 21Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.

  • 4Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.

  • 9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

  • 12Oo iyana waxay yidhaahdeen, Taasu waa been; ee bal hadda noo sheeg. Markaasuu yidhi, Saas iyo saas buu igula hadlay, oo igu yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil.

  • 10Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?

  • 3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

  • 7Laakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

  • 16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • 15¶ Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,