Yexesqeel 36:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilka Aadamow, markii reer binu Israa'iil ay dalkooda dhex degganaayeen waxay ku nijaaseeyeen socodkooda iyo falimahooda, oo jidkooduna wuxuu hortayda kula mid ahaa sidii naag caado qabta xaylkeed oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 2:7 : 7 Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.
  • Yer 3:1-2 : 1 ¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay. 2 Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.
  • Yer 3:9 : 9 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.
  • Yer 16:18 : 18 Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaalmarin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.
  • Miik 2:10 : 10 Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.
  • Laaw 15:19-33 : 19 ¶ Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa. 20 Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan. 21 Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 22 Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 23 Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 24 Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa. 25 ¶ Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay. 26 Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda. 27 Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 28 Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa. 29 Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka. 30 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis. 31 ¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal. 32 ¶ Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay, 33 iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.
  • Laaw 18:24-28 : 24 ¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.
  • Tir 35:33-34 : 33 Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane. 34 Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.
  • Sab 106:37-38 : 37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo, 38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
  • Ish 24:5 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
  • Ish 64:6 : 6 Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Sidaas daraaddeed cadhadaydii iyagaan ugu kor shubay dhiiggii ay dalka ku dhex daadiyeen aawadiis, iyo sanamyadoodii ay ku nijaaseeyeen aawadood.

  • 30¶ Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?

  • 13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.

  • 36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 23:36-37
    2 aayado
    77%

    36¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.

    37Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.

  • 27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

  • Yex 22:10-11
    2 aayado
    76%

    10Dhexdaada ayay cawradii aabbahood ku soo bannaan dhigaan, oo dhexdaada ayay tan xaylka qabta ku ceebeeyaan.

    11Midba wuxuu karaahiyo la sameeyaa naagtii deriskiisa, oo mid kalena wuxuu si shar ah u nijaaseeyaa gabadha uu soddogga u yahay, oo mid kalena wuxuu dhexdaada ku kufsadaa walaashiis oo ah gabadhii aabbihiis.

  • 24Wiilka Aadamow, waxaad Yeruusaalem ku tidhaahdaa, Waxaad tahay dal aan la nadiifin oo aan maalinta dhirifka roob lagu soo kor dayn.

  • 11aad noogu soo dhiibtay nebiyadii addoommadaada ahaa, oo aad ku tidhi, Dalka aad inaad hantidaan ugu socotaan waa dal aan nadiif ahayn, oo wuxuu ku nijaasoobay dadyowga deggan nijaastooda, iyo karaahiyadooda, iyo wasakhnimadooda dhammaan ka buuxsantay gees ilaa ka gees.

  • Yex 36:31-32
    2 aayado
    75%

    31Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.

    32Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taas idinka aawadiin uma aan sameeyo, bal idinku taas ogaada, reer binu Israa'iilow, jidadkiinna xunxun aawadood isu ceebsada oo facsharma.

  • 10Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

  • 75%

    24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

    25oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.

  • 7waayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 24Waxaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.

  • 20Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay.

  • Yex 20:26-27
    2 aayado
    74%

    26oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    27¶ Sidaas aawadeed Wiilka Aadamow, waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba taasay awowayaashiin igu caayeen, wayna igu xadgudbeen.

  • 22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.

  • 13Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.

  • 34Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 26Seeftiinnaad isku hallaysaan, oo wax karaahiyo ah ayaad samaysaan, oo midkiin kastaaba naagta deriskiisuu nijaaseeyaa, haddaba ma idinkaa dalka dhaxlaya?

  • 43Oo halkaasaad jidadkiinnii iyo falimihiinnii aad isku nijaasayseenba ku soo xusuusan doontaan, oo waxyaalihiinnii sharka ahaa ee aad samayseen oo dhan ayaad isu nici doontaan.

  • 23Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

  • 7Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

  • 6Oo wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn.

  • 2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 2Wiilka Aadamow, Yeruusaalem waxyaalaheeda karaahiyada ah ogeysii,

  • 25Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.

  • 30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • 47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

  • 15Oo quruumahaan kugu dhex eryi doonaa, oo waddammadaan kugu dhex firdhin doonaa, wasakhdaadana dhexdaada waan ka baabbi'in doonaa.

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • Yex 43:7-8
    2 aayado
    73%

    7Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.

    8Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.

  • 17Markaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen.

  • 9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

  • Yex 22:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad tahay magaalo dhexdeeda dhiig ku daadisa si uu wakhtigeedu u yimaado, oo sanamyo iyada u daran samaysa inay isku nijaasayso.

    4Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay.

  • 19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

  • 9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • 10¶ Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.