2 Taariikhdii 24:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 17:13-15 : 13 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa. 14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah. 15 Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.
  • 2 Taar 36:15-16 : 15 ¶ Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay. 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Nex 9:26 : 26 Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.
  • Sab 95:7-8 : 7 Waayo, isagu waa Ilaaheen, Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. Bal maanta maad codkiisa maqashaan! 8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
  • Ish 28:23 : 23 ¶ Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.
  • Ish 42:23 : 23 Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?
  • Ish 51:4 : 4 ¶ Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto.
  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Yer 7:25-26 : 25 Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya. 26 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
  • Yer 25:4-5 : 4 Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan. 5 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.
  • Yer 26:5 : 5 oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,
  • Yer 44:4-5 : 4 Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay. 5 Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.
  • Mat 13:9 : 9 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
  • Mat 13:15-16 : 15 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 16 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.
  • Luuk 11:47-51 : 47 Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen. 48 Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda. 49 Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa, 50 in qarnigan la weyddiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida, 51 oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa.
  • Luuk 16:31 : 31 Wuxuuse ku yidhi, Haddii ay maqli waayaan Muuse iyo nebiyada, in kastoo qof kuwii dhintay ka soo sara kaco, la oggolaysiin kari maayo inay rumaystaan.
  • Luuk 20:9-9 : 9 ¶ Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa. 10 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay. 11 Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen. 12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen. 13 Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan. 14 Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno. 15 Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 79%

    13Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.

    14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.

  • Nex 9:29-30
    2 aayado
    78%

    29oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

    30Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.

  • 4Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan.

  • 26Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

  • 5oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,

  • 15Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.

  • Yer 44:4-5
    2 aayado
    76%

    4Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay.

    5Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.

  • 18Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis.

  • 10Markaasaa Rabbigu ka dhex hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa, oo yidhi,

  • 20Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey.

  • 4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.

  • Sak 7:11-13
    3 aayado
    74%

    11Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.

    12Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn.

    13Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,

  • 16Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.

  • Yer 7:24-27
    4 aayado
    74%

    24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

    25Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.

    26Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.

    27¶ Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.

  • Yer 23:21-22
    2 aayado
    73%

    21Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen.

    22Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.

  • 40Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.

  • 23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

  • 6Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.

  • Yer 11:7-8
    2 aayado
    73%

    7Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca.

    8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 34oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

  • 17Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.

  • 10Markaasaa Rabbigu la hadlay Manaseh iyo dadkiisiiba, laakiinse dheg uma ay dhigin.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 15Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga cadhadiisii Amasyaah aad ugu kululaatay, markaasuu nebi u soo diray, kaasoo ku yidhi, War maxaad u doonatay dadyowga ilaahyadooda, kuwaasoo aan dadkoodii gacantaada ka samatabbixin?

  • 10Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.

  • 16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • Yer 27:15-16
    2 aayado
    71%

    15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.

    16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • 5Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 12maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.

  • 2Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 6oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.