Laawiyiintii 26:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:28 : 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.
  • Laaw 26:21 : 21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin.
  • Laaw 26:24 : 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa.
  • 1 Sam 2:5 : 5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
  • Sab 119:164 : 164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
  • Maah 24:16 : 16 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
  • Daan 3:19 : 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    23Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan,

    24markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa.

    25Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.

  • 88%

    27¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan,

    28markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.

  • 87%

    19Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale.

    20Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.

    21Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin.

  • 79%

    14¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,

    15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

    16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

    17Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

  • 74%

    19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

    20de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.

  • Yer 26:3-4
    2 aayado
    74%

    3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

    4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,

  • 2Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.

  • Yer 25:6-7
    2 aayado
    74%

    6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

    7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 23Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.

  • 41oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,

  • 17Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yex 7:8-9
    2 aayado
    72%

    8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

    9Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.

  • 6Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • 15Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.

  • 32Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.

  • 4¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.

  • 10hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

  • 15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

  • 13Haddaba haddaan samada xidho oo roob laga waayo, ama haddaan ayaxa ku amro inuu dalka cuno, ama haddaan dadkayga belaayo ku soo dhex daayo,

  • 17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • 7Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 25Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.

  • 27¶ Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.

  • 4Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yer 15:13-14
    2 aayado
    71%

    13Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.

    14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 21Laakiinse carruurtiina way igu caasiyoobeen, oo qaynuunnadaydiina kuma ay socon, xukummadaydiina inay sameeyaan ma xajin, kuwaasoo ninkii sameeyaaba uu ku noolaanayo, oo sabtiyadaydiina nijaas bay ka dhigeen. Markaasaan idhi, Cadhadaydaan ku kor shubi doonaa, si aan xanaaqayga iyaga ugu dhammaystiro cidlada dhexdeeda.

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.