1 Samuu'eel 12:15
Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.
Laakiinse haddii aydnaan dhegaysan codka Rabbiga, illowse aad ku caasiyowdaan amarka Rabbiga, de markaas gacanta Rabbigu gees bay idinka ahaanaysaa, siday awowayaashiinba uga ahayd.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
14¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,
15iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,
15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.
6Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
25Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
27barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,
28habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.
15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.
13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,
19Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
20haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.
8Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
27¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan,
22¶ Oo markaad qaldantaan oo aydaan wada xajin amarradan oo dhan oo uu Rabbigu Muuse kula hadlay,
17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
16Haddaba bal joogsada oo eega waxan weyn oo uu Rabbigu ku samayn doono hortiinna.
5haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.
20Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
23Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.
15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.
18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,
14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.
12maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.
17Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,
2Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.
7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
11markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
12oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.
16Markaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
40Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.
18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,
18Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.
20Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;
19Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa?
26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
3Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan
15Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.
2Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?
23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.
18Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa.
4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.
23Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan,