Tirintii 29:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 23:36 : 36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.
  • Yoox 7:37-39 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin. 13 ¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 28:25-26
    2 aayado
    89%

    25Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

    26¶ Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.

  • 89%

    35Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    36Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.

    37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

  • Laaw 23:7-9
    3 aayado
    87%

    7Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    8Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.

  • Tir 28:18-19
    2 aayado
    86%

    18Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

    19laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

  • Tir 29:12-13
    2 aayado
    85%

    12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.

    13Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,

  • 83%

    25Oo innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

    26¶ Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    27Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

    28Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • Tir 29:7-8
    2 aayado
    83%

    7¶ Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee,

    8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • 8Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.

  • 16Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.

  • 21Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • Tir 29:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Oo bisha toddobaad, maalinteeda kowaad, waa inaad yeelataan shir quduus ah; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, waayo, waa maalin buunan laydiin afuufo.

    2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 3¶ Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

  • 39¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.

  • 36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 29¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 9Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii.

  • Bax 35:2-3
    2 aayado
    77%

    2Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.

    3Oo maalin kasta oo sabti ah waa inaydnaan innaba dab ku shidin rugihiinna oo dhan.

  • Laaw 8:33-34
    2 aayado
    77%

    33Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.

    34Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.

  • 76%

    31Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

    32Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.

  • 35Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

  • 29¶ Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba,

  • 30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.

  • 25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.

  • 26¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • Bax 20:9-10
    2 aayado
    75%

    9Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

    10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

  • 15Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.

  • 17¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 34Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 21Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.

  • 74%

    13Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

    14laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.

  • 22oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.

  • 25Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.