Yexesqeel 45:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 29:12-38 : 12 ¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan. 13 Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn, 14 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi, 15 oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi. 16 Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 17 ¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 18 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 19 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 20 ¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 21 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 22 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 23 ¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 24 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 25 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 26 ¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 27 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 28 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 29 ¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 30 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 31 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 32 ¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 33 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 34 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 35 ¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, 36 laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 37 Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 38 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
  • Laaw 23:33-43 : 33 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa. 35 Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. 36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah. 37 ¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo. 38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan. 39 ¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn. 40 Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah. 41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan. 42 Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan, 43 si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • 2 Taar 5:3 : 3 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.
  • 2 Taar 7:8-9 : 8 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar. 9 Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii. 10 Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.
  • Nex 8:14-18 : 14 Oo waxaa sharcigii ku qornaa oo ay ka dhex heleen in Rabbigu Muuse ku amray in reer binu Israa'iil ay waabab ku hoydaan inta lagu jiro iidda bisha toddobaad, 15 iyo inay iyaga waajib ku tahay inay kaga dhawaaqaan oo ka naadiyaan magaalooyinkooda oo dhan iyo xataa Yeruusaalem gudaheeda, oo ay yidhaahdaan, Buurta taga oo ka soo gura laamo saytuun ah, iyo kuwo saytuun dibadeed ah, iyo laamo ah geedo hadaas la yidhaahdo, iyo laamo cawbaar ah, iyo geedo waaweyn laamahood in laga sameeyo waabab sida qoran. 16 Sidaas daraaddeed dadkii way bexeen, oo laamihii keeneen, oo waxay dhisteen waabab, oo mid waluba wuxuu ka dhistay saqafka gurigiisa, iyo barxadahooda, iyo barxadihii guriga Ilaah, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Biyaha, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Efrayim. 17 Oo kulli intii maxaabiisnimada ka soo noqotay ururkoodii oo dhammu waxay dhisteen waabab oo waxay degeen waababkii; waayo, reer binu Israa'iil saas ma ay yeelin tan iyo wakhtigii Yashuuca ina Nuun iyo ilaa maalintaas. Oo ayaantaas waxaa jirtay farxad aad u weyn. 18 Oo maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.
  • Sak 14:16-19 : 16 Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka. 17 Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono. 18 Oo haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka. 19 Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
  • Yoox 7:2 : 2 Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.
  • Yoox 7:37-39 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
  • Sharc 16:13-15 : 13 ¶ Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah. 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna. 15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 45:20-24
    5 aayado
    83%

    20Oo waa inaad bisha maalinteeda toddobaad saas oo kale u samaysaa mid kasta oo qalad ama aqoonla'aan ku dembaaba. Oo waa inaad sidaas daarta ugu kafaaragguddaan.

    21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

    22Oo maalintaas amiirku waa inuu nafsaddiisa iyo dadka dalka oo dhanba dibi qurbaan dembi ah u diyaariyaa.

    23Oo toddobada maalmood oo iiddana waa inuu Rabbiga u diyaariyaa qurbaan la gubo, kaasoo ah toddoba dibi iyo toddoba wan oo aan iin lahayn oo uu toddobada maalmoodba maalin kasta diyaariya, oo maalin kastana waa inuu orgi qurbaan dembi u bixiyaa.

    24Oo waa inuu qurbaan hadhuudh oo ah eefaah dibiba iyo eefaah wanba diyaariyaa, oo eefah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

  • Tir 29:11-13
    3 aayado
    78%

    11Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.

    12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.

    13Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,

  • 7Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

  • 11Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa.

  • Tir 29:6-8
    3 aayado
    76%

    6oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

    7¶ Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee,

    8laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,

  • Yex 45:17-18
    2 aayado
    76%

    17Oo amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.

    18¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bishii kowaad maalinteedii kowaad waa inaad dibi yar oo aan iin lahayn soo wadataa, oo waa inaad meesha quduuska ah nadiifisaa.

  • Tir 15:6-9
    4 aayado
    76%

    6Oo wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray.

    7Oo qurbaanka cabniinkana waxaad u bixisaan hiin saddex meelood meel khamri ah oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

    8Oo markaad dibi u bixinaysid allabariga la gubo amase allabari aad nidar ku samaynaysid, amase qurbaanno nabaadiino oo aad Rabbiga u bixinayso,

    9markaas eefaah toban meelood loo qaybiyey saddexdiis meelood oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin nuskeed saliid ah qurbaan hadhuudh ha ula bixiyo dibiga.

  • Yex 43:25-26
    2 aayado
    75%

    25Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.

    26Intii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.

  • 45Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 27Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • Tir 15:3-4
    2 aayado
    74%

    3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

    4haddaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah;

  • 35¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

  • 37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

  • 25Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 10Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

  • 15Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 5Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa.

  • Tir 29:32-33
    2 aayado
    73%

    32¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

    33Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 30Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 5Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.

  • 27Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

  • 75Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 15Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.

  • 39¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.

  • 25Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.

  • 39¶ Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada.

  • 37Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,

  • 24Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 15Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga.

  • 37Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 26Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

  • 18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.