Nexemyaah 13:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 10:39 : 39 Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
  • Nex 13:17 : 17 Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?
  • Nex 13:25 : 25 Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.
  • Ayuub 31:34 : 34 Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.
  • Maah 28:4 : 4 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
  • Mal 3:8-9 : 8 ¶ Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno. 9 Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan. 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag. 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.
  • 1 Sam 2:17 : 17 Oo raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.
  • Nex 5:6-9 : 6 Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan. 7 Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah. 8 Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen. 9 Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed? 10 Oo sidaasoo kale aniga iyo walaalahay iyo midiidinnadayda lacag iyo hadhuudh baan korsocod ku amaahinnaa. Waan idin baryayaaye aan iska dayno korsocodkan. 11 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad maantadan u celisaan beerahoodii, iyo beerahoodii canabka ahaa, iyo beerahoodii saytuunka ahaa, iyo guryahoodii, oo lacagtii, iyo hadhuudhkii, iyo khamrigii, iyo saliiddii aad korsocodka uga qaadateenna boqolkii meelood meel u celiya. 12 Markaasay yidhaahdeen, Waxoodii waan u celinaynaa, oo wax dambena weyddiisan mayno innaba. Waxaannu yeelaynaa sidaad tidhaahdo. Markaasaan u yeedhay wadaaddadii, oo waxaan ku dhaariyey inay ballankan siduu yahay oofiyaan. 13 Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 13:7-10
    4 aayado
    81%

    7Markaasaan Yeruusaalem imid oo waxaan gartay sharkii uu Eliyaashiib u sameeyey Toobiyaah markuu qowlad uga diyaarshay barxadihii guriga Ilaah.

    8Haddaba taasu aad bay ii murugaysay, sidaas daraaddeed qowladdii dibaddaan uga wada tuuray alaabtii guriga Toobiyaah oo dhan.

    9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

    10Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey.

  • 17Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?

  • Nex 13:29-30
    2 aayado
    75%

    29Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.

    30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • Nex 13:21-22
    2 aayado
    75%

    21Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.

    22Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.

  • Nex 13:12-14
    3 aayado
    74%

    12Markaasaa dadka dalka Yahuudah oo dhammu waxay qolalkii khasnadaha soo geliyeen meeltobnaadyadii hadhuudhka iyo kuwii khamriga iyo kuwii saliiddaba.

    13Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.

    14Ilaahayow, haddaba bal taas daraaddeed ii xusuuso, oo ha tirtirin falimahaygii wanaagsanaa oo aan u qabtay gurigaaga iyo waxyaalihii la dhawri lahaa.

  • Nex 5:6-7
    2 aayado
    74%

    6Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan.

    7Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 40Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,

  • 1¶ Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,

  • Nex 2:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.

    17Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.

  • 13Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen.

  • 15¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.

  • 9Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?

  • 5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba.

  • 24Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,

  • 11Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.

  • Nex 1:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo iyana waxay igu yidhaahdeen, Kuwii maxaabiista ka hadhay oo gobolkii jira waxay ku jiraan dhibaato weyn iyo ceeb; oo derbigii Yeruusaalemna waa la dumiyey, oo irdaheediina dab baa lagu gubay.

    4Oo markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,

  • 13Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.

  • 4Markaasaa waxaa igu soo shiray in alla intii ka cabsan jirtay erayga Ilaaha reer binu Israa'iil, dadkii maxaabiista ka soo noqday xadgudubkoodii aawadiis; oo anna halkaasaan iska fadhiyey tan iyo qurbaankii makhribka anigoo wareersan.

  • 19Oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay.

  • 39Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.

  • 7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

  • 11Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.

  • 14waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.

  • 70%

    4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal.

    5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

  • 15Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga.

  • 16iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,

  • 10Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.

  • 25Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.

  • 17Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.

  • 14Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.

  • 1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:

  • 1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • 15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.