Nexemyaah 12:40

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 12:31-32 : 31 Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada, 32 oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood,
  • Sab 42:4 : 4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
  • Sab 47:6-9 : 6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa. 7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa. 8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa. 9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
  • Sab 134:1-3 : 1 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow, Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow. 2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa, Oo Rabbiga ammaana. 3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo, Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 12:36-39
    4 aayado
    84%

    36iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa.

    37Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.

    38Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,

    39iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.

  • Nex 12:30-34
    5 aayado
    80%

    30Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.

    31Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada,

    32oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood,

    33iyo Casaryaah, iyo Cesraa, iyo Meshullaam,

    34iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah,

  • Nex 12:41-42
    2 aayado
    78%

    41iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin;

    42iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.

  • 16Oo intii markaas ka dambaysay midiidinnadaydii badhkood shuqulkii bay sameeyeen, oo badhkoodii kalena waxay hayeen warmihii, iyo gaashaammadii, iyo qaansooyinkii, iyo jubbado bir ah, oo taliyayaashii oo dhammuna way daba taagnaayeen dadkii dalka Yahuudah oo dhan.

  • Nex 12:44-46
    3 aayado
    74%

    44¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.

    45Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.

    46Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 11Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.

  • 8Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.

  • Nex 12:26-27
    2 aayado
    73%

    26Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.

    27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.

  • Cesr 8:24-25
    2 aayado
    73%

    24Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,

    25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

  • Nex 7:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,

    2ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey.

  • Cesr 7:27-28
    2 aayado
    72%

    27¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,

    28oo naxariis iga siiyey boqorkii, iyo lataliyayaashiisa, iyo amiirradiisa xoogga badan hortooda oo dhan. Oo waxaan u xoogaystay sidii gacanta Rabbiga Ilaahayga ahu ii saarnayd, markaasaan reer binu Israa'iil ka dhex urursaday rag madax ah inay i raacaan.

  • 4Markaasaa darajadii reer Laawi waxaa ku kor istaagay Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Qadmii'eel, iyo Shebanyaah, iyo Bunnii, iyo Sheereebyaah, iyo Baanii, iyo Kenaanii, oo cod weyn ayay ugu qayshadeen Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 4Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam.

  • 2Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.

  • 18Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.

  • 70Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.

  • 36Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.

  • 2Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan.

  • 16Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.

  • 12iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah,

  • 19Oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay.

  • 22Oo sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan.

  • 10¶ Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.

  • 8iyo warqad kaloo aan siiyo Aasaaf oo ah kan dhawra dhirta boqorka, si uu ii siiyo alwaax aan ku sameeyo waxa haya saqafka irdaha qalcadda ee guriga u dhow, iyo derbiga magaalada iyo guriga aan geli doono. Oo boqorkiina wuu ii wada oggolaaday sidii ay gacantii wanaagsanayd ee Ilaahay ii saarnayd.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 6Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.

  • 7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

  • 16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.

  • 13Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.

  • 12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • 40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.

  • 11Oo markaasay darandoorri u gabyeen iyagoo Rabbiga ammaanaya oo u mahadnaqaya, oo leh, Isagu wuu wanaagsan yahay, reer binu Israa'iilna weligiisba wuu u naxariistaa. Oo markay Rabbiga ammaaneen ayaa dadkii oo dhammu dhawaaq weyn ku dhawaaqay, maxaa yeelay, waxaa la dhigay aasaaskii gurigii Rabbiga.