1¶ Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
2oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
3Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,