Cesraa 8:15
¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.
¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.
17Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.
18Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,
14Wiilashii Bigwayna waxaa ka socday Cuutay iyo Sabbuud, oo waxaa iyaga la jiray toddobaatan nin.
24Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,
25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.
30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.
31¶ Markaasaannu Webi Ahawaa ka tagnay, oo Yeruusaalem u ambabbaxnay bishii kowaad maalinteedii laba iyo tobnaad; oo waxaa na saarnayd gacantii Ilaahayo, wuuna naga samatabbixiyey gacantii cadowga iyo kuwii jidka noogu gabbanayay.
32Oo waxaannu nimid Yeruusaalem oo halkaasaannu intii saddex maalmood ah iska joognay.
33Oo maalintii afraad ayaa lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii lagu dhex miisaamay gurigii Ilaahayo oo waxaa gacanta loo geliyey wadaadkii Mereemood oo ahaa ina Uuriyaah, oo waxaa isaga la jiray Elecaasaar oo ahaa ina Fiinexaas; oo waxaa kaloo iyaga la jiray Yoosaabaad oo ahaa ina Yeeshuuca, iyo Noocadyaah oo ahaa ina Binnuwii oo iyana ahaa reer Laawi;
21Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.
13¶ Oo madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan.
5Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:
10Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey.
11Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.
7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.
29Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.
30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,
22Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.
23Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib.
8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.
9Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.
28Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,
5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.
73Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.
8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.
15Oo haddana waxaan habeennimo tegey xaggii durdurka, oo derbigii baan fiiriyey, kolkaasaan dib u noqday, oo magaaladii ka soo galay xaggii Iriddii Dooxada, oo saasaan u soo noqday.
16Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.
3Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.
11¶ Markaasaan Yeruusaalem imid, oo halkaasaan saddex maalmood iska joogay.
9Markaasaan u imid taliyayaashii webiga ka shisheeyey, oo iyagii siiyey warqadihii boqorka. Oo weliba waxaa boqorku igu daray saraakiil ciidanka ka tirsan iyo fardooley.
9Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel,
16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.
1¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.
5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.
15Laakiinse xaalkan waxaa keliyahu hor istaagay Yoonaataan ina Casaaheel iyo Yaxaasyaah ina Tiqwaah; waxaana caawiyey Meshullaam iyo Shabbetay oo ahaa reer Laawi.
16Oo dadkii maxaabiisnimada ka soo noqdayna saasay yeeleen. Oo waxaa gooni ahaan loo soocay wadaadkii Cesraa ahaa, iyo kuwo madax ah oo ka socda qolooyinkoodii, oo kulligoodna magacyadooda loogu wada yeedhay, oo iyana bishii tobnaad maalinteedii kowaad ayay u fadhiisteen inay xaalkan soo baadhaan.
7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.
70Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.
26Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.
6Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
1¶ Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,
1¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,
8Oo waxay yidhaahdeen, Ku alla kii aan intii saddex maalmood ah iman, sida ay ku taliyeen amiirrada iyo odayaashu, maalkiisa oo dhan waa laga xaaraamayn doonaa, oo isaga qudhiisana gooni baa looga sooci doonaa ururka dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.
9Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.
15Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
4Oo karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam.