Nexemyaah 12:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 18:21-29 : 21 ¶ Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka. 22 Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane. 23 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan. 24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan. 25 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 26 Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa. 27 Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka. 28 Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah. 29 Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.
  • 2 Taar 31:5-6 : 5 Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen. 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen.
  • Nex 10:35-39 : 35 iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah, 36 iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna; 37 iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan. 38 Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda. 39 Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
  • Nex 11:23 : 23 Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.
  • Nex 12:1 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,
  • Nex 12:12 : 12 Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,
  • Nex 12:26 : 26 Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.
  • Nex 13:10-12 : 10 Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey. 11 Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey. 12 Markaasaa dadka dalka Yahuudah oo dhammu waxay qolalkii khasnadaha soo geliyeen meeltobnaadyadii hadhuudhka iyo kuwii khamriga iyo kuwii saliiddaba.
  • Mal 3:8-9 : 8 ¶ Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno. 9 Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan. 10 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
  • Gal 6:6 : 6 ¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 12:44-46
    3 aayado
    80%

    44¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.

    45Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.

    46Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.

  • 23Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.

  • Nex 12:26-28
    3 aayado
    77%

    26Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.

    27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.

    28Oo kuwii gabayaaga ahaana waxay iska soo urursadeen bannaankii Yeruusaalem ku wareegsanaa iyo tuulooyinkii reer Netofaah,

  • 39Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 70Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.

  • 74%

    12Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.

    13Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.

  • 10Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey.

  • 15Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.

  • 19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.

  • 4Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 1¶ Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,

  • 42iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.

  • 73Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.

  • 33Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.

  • 33kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan.

  • 24Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna.

  • 71%

    11Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,

    12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • 12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )

  • 11Oo meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.

  • 20Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay.

  • 21Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 71%

    26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.

    27Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.

  • 14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

  • 2¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.

  • 16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,

  • 9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.

  • 37¶ Kolkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay,

  • 37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

  • 28Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga.

  • 9Oo wax alla wixii ay u baahan yihiin oo ay wadaaddada Yeruusaalem jooga idin weyddiistaan oo ah dibi yaryar, iyo wanan, iyo baraar, oo ay Ilaaha samada qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, iyo sarreen, iyo cusbo, iyo khamri, iyo saliidba ha la siiyo maalin kasta, oo yaan laga baajin,

  • 3Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.

  • 10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

  • 40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.

  • 13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • 46Oo qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.

  • 14Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan.

  • 28Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,