2 Taariikhdii 30:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 12:15 : 15 Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.
  • Bax 13:6 : 6 Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.
  • Laaw 23:6 : 6 Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.
  • Sharc 12:7 : 7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.
  • Sharc 12:12 : 12 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig, iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona.
  • Sharc 16:14 : 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
  • 2 Taar 7:10 : 10 Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.
  • 2 Taar 20:21 : 21 Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
  • 2 Taar 29:25-27 : 25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay. 26 Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin. 27 Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
  • 2 Taar 30:26 : 26 Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.
  • Nex 8:10 : 10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga.
  • Sab 150:3-5 : 3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. 4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. 5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
  • Luuk 22:1 : 1 ¶ Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.
  • Luuk 22:7 : 7 ¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.
  • Fal 2:46 : 46 Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen.
  • 1 Kor 5:7-8 : 7 Khamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey. 8 Haddaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.
  • Fil 4:4 : 4 ¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    22Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya.

    23Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan.

  • 30Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen.

  • 6Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen.

  • 27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.

  • 17Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah.

  • 75%

    25Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.

    26Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.

    27Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.

  • Cesr 6:21-22
    2 aayado
    75%

    21Oo waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    22oo waxay toddoba maalmood farxad ku dhawreen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, waayo, Rabbigu aad buu uga farxiyey, oo wuxuu iyaga u soo jeediyey qalbigii boqorkii Ashuur inuu gacmahooda xoogeeyo intay ka shaqaynayeen gurigii Ilaah, kaasoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 19Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

  • 20Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey.

  • 74%

    26Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin.

    27Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    28Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday.

  • 30iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen.

  • 73%

    12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )

    13oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • 8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

  • 43Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.

  • 4¶ Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • 17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • Cesr 3:10-11
    2 aayado
    72%

    10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

    11Oo markaasay darandoorri u gabyeen iyagoo Rabbiga ammaanaya oo u mahadnaqaya, oo leh, Isagu wuu wanaagsan yahay, reer binu Israa'iilna weligiisba wuu u naxariistaa. Oo markay Rabbiga ammaaneen ayaa dadkii oo dhammu dhawaaq weyn ku dhawaaqay, maxaa yeelay, waxaa la dhigay aasaaskii gurigii Rabbiga.

  • 6Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • 29Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.

  • 6Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

  • 47Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.

  • Sab 149:1-3
    3 aayado
    71%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

    2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

    3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • 2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

  • 71%

    9Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii.

    10Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

  • 2¶ Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda.

  • 21Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.

  • 13Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • 16Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan.

  • 20Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.

  • 18Oo maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.

  • 3Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.