1 Taariikhdii 13:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 10:5 : 5 Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan.
  • 2 Sam 6:5-9 : 5 Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco. 6 Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay. 7 Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaah; oo Ilaahna halkaasuu ku dilay qaladkiisii aawadiis, oo sanduuqii Ilaah agtiisa ayuu ku dhintay. 8 Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaah, oo meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Feres Cuusaah, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa. 9 Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa? 10 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad. 11 Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Rabbigu gurigii Cobeed Edoom yiil; oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom iyo reerkiisii oo dhanba. 12 Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud. 13 Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis. 14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey. 15 Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya. 16 Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay. 17 Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. 18 Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga ciidammada. 19 Markaasuu wuxuu dadkii oo dhan, iyo xataa dadkii badnaa oo reer binu Israa'iil oo dhan, rag iyo dumarba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah. Markaasaa dadkii oo dhan mid waluba gurigiisii tegey. 20 Markaasaa Daa'uud u noqday inuu reerkiisii u duceeyo. Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uul ayaa u soo baxday inay Daa'uud ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Boqorka reer binu Israa'iil qurux badnaa maanta, kaasoo maanta isku hor qaawiyey gabdhihii addoommadiisa sida waxmatarayaasha midkood isugu qaawiyo oo kale! 21 Markaasaa Daa'uud Miikaal ku yidhi, Waxay ahayd Rabbiga hortiisa, kii iga doortay aabbahaa iyo reerkiisii oo dhan, oo iga dhigay amiir u taliya dadka Rabbiga, kuwaas oo ah reer binu Israa'iil; oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ugu cayaarayaa. 22 Oo weliba intaas waan ka sii liidanayaa, oo waan isla xumaanayaa, laakiinse gabdhihii aad ka hadashay xaggooda derejaan ka lahaan doonaa. 23 Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uulna ilaa maalintii ay dhimatay ilmo ma dhalin.
  • 2 Boq 3:15 : 15 Haddaba waxaad ii keentaan nin kataarad wada. Oo markii ninkii kataaraddii ka dhawaajiyey ayaa gacantii Rabbigu ku soo degtay isagii.
  • 1 Taar 15:10-24 : 10 kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa. 11 Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab, 12 oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey. 13 Maxaa yeelay, indinku markii hore ma aydnaan qaadin, oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaaheenna ahu degdeg inoogu qabtay, waayo, sidii qaynuunku ahaa wax kuma aynan weyddiin. 14 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 15 Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa. 16 Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen. 17 Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah, 18 oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal. 19 Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan, 20 oo Sekaryaah, iyo Casii'eel, iyo Shemiiraamood iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Macaseeyaah, iyo Benaayaahna waxay siteen shareerado si ay ugu dhuftaan wax Calaamood lagu luuqeeyo, 21 oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo. 22 Oo Kenanyaah oo madax u ahaa reer Laawina wuxuu u sarreeyey gabaygii, oo isagu wuxuu dadkii wax ka baray gabaygii, maxaa yeelay, aad buu u yiqiin. 23 Oo Berekyaah iyo Elqaanaahna waxay iridjoogayaal u ahaayeen sanduuqii. 24 Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.
  • 1 Taar 15:28 : 28 Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
  • 1 Taar 16:5 : 5 kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.
  • 1 Taar 16:42 : 42 Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.
  • 1 Taar 23:5 : 5 oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.
  • 1 Taar 25:1-6 : 1 ¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd: 2 reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray, 3 iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo, 4 iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood. 5 Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood. 6 Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
  • Sab 47:5 : 5 Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
  • Sab 68:25-27 : 25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya. 26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah. 27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
  • Sab 150:3-5 : 3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. 4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. 5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
  • Daan 3:5-7 : 5 in markii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo u sujuuddaan ekaanta dahabka ah oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey, 6 oo mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, isla saacaddiiba waxaa lagu dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. 7 Haddaba markii dadkii oo dhammu maqleen codkii buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah ayaa dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu hoos u dhaceen oo u sujuudeen ekaantii dahabka ahayd oo Boqor Nebukadnesar qotomiyey.
  • Aam 5:23 : 23 Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna.
  • Aam 6:5 : 5 oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 87%

    27Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.

    28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 81%

    13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

    14Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.

    15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • Sab 150:3-5
    3 aayado
    78%

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

    4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

    5Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

  • 78%

    25Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.

    26Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin.

    27Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

    28Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday.

  • 28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

  • 2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

  • 76%

    4¶ Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

    6Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.

  • 25Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.

  • 6Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen.

  • 3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • Sab 98:4-6
    3 aayado
    75%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

    6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

  • Sab 33:2-3
    2 aayado
    75%

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • 6¶ Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya.

  • 25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

  • 74%

    5Markaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.

    6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

    7Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.

  • 3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

  • 42Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.

  • 10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

  • 73%

    12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )

    13oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 21Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.

  • 27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.

  • 9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 1¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:

  • 40Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii.

  • 9Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.

  • 2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.

  • 71%

    20oo Sekaryaah, iyo Casii'eel, iyo Shemiiraamood iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Macaseeyaah, iyo Benaayaahna waxay siteen shareerado si ay ugu dhuftaan wax Calaamood lagu luuqeeyo,

    21oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo.

  • 3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.

  • 5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

  • 16Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.