Sabuurradii 149:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 15:20 : 20 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.
  • Sab 81:2 : 2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
  • Yer 31:13 : 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.
  • Sab 137:2-4 : 2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa. 3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood. 4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
  • Sab 150:3-5 : 3 Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana. 4 Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile. 5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
  • Xaak 11:34 : 34 ¶ Markaasuu Yeftaah yimid Misfaah xagga gurigiisii, oo bal eeg, gabadhiisii baa ka soo baxday inay la kulanto, iyadoo daf tumaysa oo cayaaraysa. Madi bay u ahayd oo iyada mooyaane wiil iyo gabadh midna ma uu lahayn.
  • 2 Sam 6:14 : 14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
  • 2 Sam 6:16 : 16 Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay.
  • 1 Taar 15:28-29 : 28 Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado. 29 Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu uu magaaladii Daa'uud imanayay ayay Miikaal oo ahayd ina Saa'uul daaqadda ka eegtay, oo kolkay aragtay Boqor Daa'uud oo cayaaraya ayay qalbiga ka quudhsatay.
  • 1 Taar 16:42 : 42 Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.
  • 1 Taar 25:6 : 6 Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
  • 2 Taar 29:25 : 25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.
  • Cesr 3:10 : 10 Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.
  • Sab 30:11 : 11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
  • Sab 33:2 : 2 Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 150:1-6
    6 aayado
    88%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

    4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.

    5Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.

    6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

  • Sab 149:1-2
    2 aayado
    82%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

    2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

  • 12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

  • Sab 33:1-3
    3 aayado
    81%

    1Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • Sab 98:4-6
    3 aayado
    80%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

    6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

  • Sab 81:1-2
    2 aayado
    79%

    1Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.

    2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

  • 3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

  • 3Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • 77%

    12Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

    13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

  • 25Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.

  • Sab 149:4-6
    3 aayado
    75%

    4Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.

    5Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.

    6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,

  • 2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

  • 6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

  • 16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

  • Sab 105:2-3
    2 aayado
    75%

    2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

    3Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    75%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 74%

    9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

    10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

  • Sab 68:3-4
    2 aayado
    73%

    3Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.

    4Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.

  • 22Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

  • 5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 3Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

  • 11Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,

  • 12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

  • 1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,