1 Taariikhdii 15:28
Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.
8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.
5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.
28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.
14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
15Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.
16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
24Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.
25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.
26Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.
27Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.
5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.
6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.
25Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.
26Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin.
27Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
28Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday.
4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.
2Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.
3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4Ku ammaana daf iyo cayaar, Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana, Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
3Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.
4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.
5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.
6Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.
14Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.
40Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii.
10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.
21Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer.
4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.
2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.
27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.
2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
5Markaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.
6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.
12Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
6Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen.
29Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu uu magaaladii Daa'uud imanayay ayay Miikaal oo ahayd ina Saa'uul daaqadda ka eegtay, oo kolkay aragtay Boqor Daa'uud oo cayaaraya ayay qalbiga ka quudhsatay.
12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )
13oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga,
6¶ Oo markay yimaadeen, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan si ay Boqor Saa'uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya.
13Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen.
3Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.
12Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud.