40Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay,
41iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin;
42iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii.
43Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
44¶ Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay.