1 Taariikhdii 25:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 25:1-3 : 1 ¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd: 2 reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray, 3 iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo,
  • Sab 68:25 : 25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
  • Ef 5:19 : 19 Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • 1 Taar 15:16 : 16 Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.
  • 1 Taar 15:19 : 19 Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan,
  • 1 Taar 15:22 : 22 Oo Kenanyaah oo madax u ahaa reer Laawina wuxuu u sarreeyey gabaygii, oo isagu wuxuu dadkii wax ka baray gabaygii, maxaa yeelay, aad buu u yiqiin.
  • 1 Taar 23:5 : 5 oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    1¶ Oo weliba Daa'uud iyo saraakiishii ciidanku waxay adeegiddii u sooceen kuwa ah reer Aasaaf, iyo reer Heemaan, iyo reer Yeduutuun, kuwaasoo wax ku sii sheega kataarado iyo shareerado iyo suxuun laysku garaaco, oo kuwa shuqulka qabta sidii adeegiddoodu kala ahayd tiradoodii waxay ahayd:

    2reer Aasaaf oo ahaa Sakuur, iyo Yuusuf, iyo Netanyaah, iyo Asareelaah, intaasu waxay ahaayeen reer Aasaaf oo ka hooseeya Aasaaf kaasoo markii boqorku amro wax sii sheegi jiray,

    3iyo reer Yeduutuun, oo wiilashii Yeduutuunna waxay ahaayeen lix, oo ahaa Gedalyaah, iyo Serii, iyo Yeshacyaah, iyo Xashabyaah, iyo Matityaah, oo waxay ka wada hooseeyeen aabbahood Yeduutuun oo kataaradda lahaa oo wax sii sheegi jiray markuu Rabbiga u mahadnaqayo oo ammaanayo,

    4iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood.

    5Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood.

  • 7Oo iyagii iyo walaalahood la jiray ee la baray inay Rabbiga u gabyaan kuwaasoo dhammaan farsamada yiqiin tiradoodu waxay ahayd laba boqol iyo siddeed iyo siddeetan nin.

  • 81%

    4¶ Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

  • 79%

    41Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

    42Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.

  • 15Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.

  • 12oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, )

  • 78%

    16Markaasaa Daa'uud madaxdii reer Laawi ku yidhi, Walaalihiin rag ka dhex doorta inay ahaadaan niman gabayaa ah oo sita alaabtii muusikada, oo ah shareerado, iyo kataarado, iyo suxuun laysku garaaco, oo aad ha uga dhawaajiyeen oo farxad aawadeed codka kor ha u qaadeen.

    17Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah,

    18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

    19Sidaas daraaddeed kuwii gabayaagii ahaa oo ahaa Heemaan, iyo Aasaaf, iyo Eetaan waxay siteen suxuun naxaas ah oo laysku garaaco si ay aad ugaga dhawaajiyaan,

    20oo Sekaryaah, iyo Casii'eel, iyo Shemiiraamood iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Macaseeyaah, iyo Benaayaahna waxay siteen shareerado si ay ugu dhuftaan wax Calaamood lagu luuqeeyo,

    21oo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel, iyo Casasyaahna waxay siteen kataarado ay ku hoggaamiyaan wax Shemiiniid lagu luuqeeyo.

  • 77%

    30oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah.

    31¶ Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed.

    32Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen.

    33Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel,

  • 76%

    25Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.

    26Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin.

  • 46Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah.

  • 12Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.

  • 5Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga hortiisay ku cayaareen iyagoo haysta cayn kasta oo alaabta muusikada ah oo ah qori beroosh la yidhaahdo, oo alaabtaasu waxay ahaayeen kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo shuguxshugux iyo suxuun laysku garaaco.

  • 14Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel.

  • 13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.

  • 19Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.

  • 10Oo kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

  • 37¶ Kolkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay,

  • 6Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen.

  • 8Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.

  • 9Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay reer Aasaaf oo waxaa helay Yuusuf. Kii labaadna wuxuu u soo baxay Gedalyaah, oo isaga iyo walaalihiis iyo wiilashiisiiba waxay isku ahaayeen laba iyo toban.

  • 71%

    4Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,

    5oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.

    6Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 27¶ Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano.

  • 17iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sabdii, ina Aasaaf, oo ahaa madaxda mahadnaqidda tukashada, iyo Baqbuqyaah oo ahaa kan labaad walaalihiis dhexdooda, iyo Cabdaa oo ahaa ina Shammuuca, ina Gaalaal, ina Yeduutuun.

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 33Oo kuwanuna waa nimankii gabayaaga ahaa oo ahaa madaxdii qolooyinka reer Laawi, oo waxay joogi jireen qolalka oo hawl kalena ma ay hayn, waayo, iyagu habeen iyo maalinba waxay qabanayeen shuqulkoodii.

  • 13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,

  • 8Oo Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Ilaah hortiis ku cayaareen xooggooda oo dhan, oo gabayo, iyo kataarado, iyo shareerado, iyo dafaf, iyo suxuun laysku garaaco, iyo turumbooyin ayay ku cayaareen.

  • 16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 23Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.

  • 36iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa.

  • 30Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen.

  • 28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.