1 Taariikhdii 16:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:30 : 30 ¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.
  • Ef 5:19 : 19 Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • Yac 5:13 : 13 ¶ Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo.
  • Sab 40:10 : 10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
  • Sab 71:17 : 17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
  • Sab 95:1-2 : 1 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna. 2 Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
  • Sab 96:1-3 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya. 2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin. 3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
  • Sab 98:1-4 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado. 2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda. 3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna. 4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
  • Sab 145:4-6 : 4 Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn. 5 Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan. 6 Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
  • Sab 145:12 : 12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
  • Mal 3:16 : 16 Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 105:1-2
    2 aayado
    94%

    1Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

    2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 8Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

  • 82%

    23Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

    24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • Sab 96:1-3
    3 aayado
    80%

    1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.

    2Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • Sab 66:1-2
    2 aayado
    80%

    1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

    2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 1Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

  • 12Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

  • 7Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

  • Sab 150:1-3
    3 aayado
    78%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

    3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

  • 77%

    21Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

    22Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.

  • 10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • Ish 12:4-5
    2 aayado
    76%

    4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

    5Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.

  • 76%

    10Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.

    11Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,

  • 5Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

  • Sab 145:4-7
    4 aayado
    76%

    4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.

    5Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.

    6Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.

    7Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.

  • 4Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.

  • 2Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

  • 6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

  • Sab 98:4-5
    2 aayado
    75%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

  • Sab 33:2-3
    2 aayado
    75%

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • 1Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.

  • 2Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

  • 3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • 1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • 4Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.

  • 12Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.

  • 6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

  • 1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.

  • 2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 49Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.