Cesraa 8:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 2:43 : 43 ¶ Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
  • Cesr 2:58 : 58 Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
  • Cesr 7:7 : 7 Oo sannaddii toddobaad oo dowladnimadii Boqor Artaxshasta waxaa Yeruusaalem tegey qaar ah reer binu Israa'iil, iyo wadaaddada, iyo reer Laawi, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniim.
  • Yer 1:9 : 9 Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.
  • Yer 15:19 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
  • Titus 1:5 : 5 ¶ Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
  • Bax 4:15 : 15 Haddaba waa inaad isaga la hadashaa, oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba, oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen.
  • Tir 8:22-26 : 22 Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen. 23 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka. 25 Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin, 26 laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.
  • Tir 18:6 : 6 Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.
  • Sharc 18:18 : 18 Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
  • 2 Sam 14:3 : 3 oo waxaad u gashaa boqorka, oo sidan ula hadal. Sidaasuu Yoo'aab erayadii afka ugu riday.
  • 2 Sam 14:19 : 19 Boqorkiina wuxuu yidhi, Waxyaalahan oo dhan ma Yoo'aab baa kugu weheliya? Kolkaasaa naagtii ugu jawaabtay, Boqorow, sayidkaygiiyow, naftaada nool baan ku dhaartaye inaan ninna xagga midigta ama xagga bidixda uga leexan karin waxaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, addoonkaaga Yoo'aab ah ayaa igu amray waxan, oo erayadan oo dhanna isagaa afka iigu riday, anoo addoontaada ah.
  • 1 Taar 23:3-6 : 3 Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin. 4 Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno, 5 oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi. 6 Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
  • 1 Taar 23:26-32 : 26 Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan. 27 Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd. 28 Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga. 29 Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan, 30 iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen. 31 Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd, 32 wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 8:15-16
    2 aayado
    84%

    15¶ Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.

    16Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.

  • 18Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,

  • 8oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.

  • Cesr 8:24-25
    2 aayado
    77%

    24Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,

    25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.

  • 36Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.

  • Nex 2:7-9
    3 aayado
    75%

    7Oo weliba waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, haddaad raalli ka tahay, ha lay siiyo warqado aan u geeyo taliyayaasha webiga ka shisheeya, si ay igu oggolaadaan inaan dhex maro dalkooda ilaa aan gaadho dalka Yahuudah;

    8iyo warqad kaloo aan siiyo Aasaaf oo ah kan dhawra dhirta boqorka, si uu ii siiyo alwaax aan ku sameeyo waxa haya saqafka irdaha qalcadda ee guriga u dhow, iyo derbiga magaalada iyo guriga aan geli doono. Oo boqorkiina wuu ii wada oggolaaday sidii ay gacantii wanaagsanayd ee Ilaahay ii saarnayd.

    9Markaasaan u imid taliyayaashii webiga ka shisheeyey, oo iyagii siiyey warqadihii boqorka. Oo weliba waxaa boqorku igu daray saraakiil ciidanka ka tirsan iyo fardooley.

  • Cesr 6:6-8
    3 aayado
    75%

    6Haddaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada,

    7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

    8Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.

  • Cesr 5:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

    4Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?

  • 9Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.

  • 30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 21Oo weliba anigoo ah Boqor Artaxshasta waxaan amar ku siinayaa khasnajiyada webiga shishadiisa jooga oo dhan, in dadaal lagu sameeyo wax alla wixii uu idin weyddiisto wadaadka Cesraa oo ah karraaniga sharciga Ilaaha samada,

  • 8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:

  • 1¶ Haddaba madaxdii qabiilooyinka waa kuwan, oo kanu waa abtirkii kuwii Baabuloon iga raacay waagii Boqor Artaxshasta dowladnimada haystay.

  • 8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

  • 5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.

  • 13¶ Wixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen.

  • 13Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.

  • 28oo naxariis iga siiyey boqorkii, iyo lataliyayaashiisa, iyo amiirradiisa xoogga badan hortooda oo dhan. Oo waxaan u xoogaystay sidii gacanta Rabbiga Ilaahayga ahu ii saarnayd, markaasaan reer binu Israa'iil ka dhex urursaday rag madax ah inay i raacaan.

  • 20iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.

  • 6¶ Tanu waa naqilkii warqaddii Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiis oo ahaa reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogay ay u soo direen boqorkii Daariyus.

  • 24Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna.

  • 7Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

  • 4iyo Iddo, iyo Ginnetoy, iyo Abiiyaah,

  • Cesr 7:13-15
    3 aayado
    71%

    13¶ Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan.

    14Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaahaaga oo gacantaada ku jira,

    15iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem,

  • 10Oo haddana waxaannu kaloo weyddiinnay magacyadoodii, si aan kuu ogeysiinno, iyo si aan kuugu soo qorno nimanka madaxdooda ah magacyadooda.

  • 7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • 12iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,

  • 11Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,

  • 13iyo walaalahood oo ahaa madaxdii reerahooda, oo tiradooduna ahayd kun iyo toddoba boqol iyo lixdan, oo waxayna ahaayeen rag aad karti ugu leh shuqulka adeegidda guriga Ilaah.

  • 8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.

  • 16Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.

  • Nex 7:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,

    2ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey.

  • 11Kanu waa naqilkii warqaddii ay Boqor Artaxshasta u direen: Dadka webiga ka shisheeya, oo addoommadaada ahu waxay leeyihiin,

  • 8Taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa ayaa sidan warqad Yeruusaalem ka gees ah ugu soo qoray Boqor Artaxshasta.

  • 16iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray,

  • 33Oo maalintii afraad ayaa lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii lagu dhex miisaamay gurigii Ilaahayo oo waxaa gacanta loo geliyey wadaadkii Mereemood oo ahaa ina Uuriyaah, oo waxaa isaga la jiray Elecaasaar oo ahaa ina Fiinexaas; oo waxaa kaloo iyaga la jiray Yoosaabaad oo ahaa ina Yeeshuuca, iyo Noocadyaah oo ahaa ina Binnuwii oo iyana ahaa reer Laawi;