Nexemyaah 13:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 10:5 : 5 Markaasaa Cesraa kacay oo wuxuu wadaaddadii sare iyo reer Laawi iyo reer binu Israa'iil oo dhan ku wada dhaariyey inay sameeyaan sida eraygaasu leeyahay. Oo iyana saasay ku wada dhaarteen.
  • Nex 10:29-30 : 29 waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, 30 iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;
  • Nex 13:17 : 17 Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?
  • Nex 13:11 : 11 Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.
  • Nex 5:13 : 13 Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.
  • Bax 34:16 : 16 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.
  • Sharc 6:13 : 13 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa.
  • Sharc 7:3 : 3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
  • Sharc 25:2-3 : 2 Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu ahayd ha loo tiriyo. 3 Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash, laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.
  • Sharc 27:14-26 : 14 Oo markaas reer Laawi waa inay jawaabaan oo dadka reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ku yidhaahdaan, 15 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin. 16 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 17 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 18 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 19 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 20 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis, maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 21 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii neef u galmooda, cayn kasta ha ahaadee. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 22 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 23 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii soddohdiis la seexda. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 24 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii deriskiisa qarsoodi ku dila. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 25 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii laaluush u qaata inuu qof aan xaq qabin dilo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin. 26 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo ku kasta oo aan adkayn sharcigan erayadiisa inuu sameeyo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
  • 2 Taar 15:12-15 : 12 Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan, 13 iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba. 14 Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan. 15 Oo dadkii Yahuudah oo dhammu way ku reyreeyeen dhaartii, maxaa yeelay, qalbigooda oo dhan ayay ku dhaarteen, oo waxay isaga ku doondooneen xiisahooda oo dhan, wayna heleen, oo Rabbiguna hareerahooda oo dhan wuu ka nasiyey.
  • Cesr 7:26 : 26 Oo ku alla kii aan addeecin sharciga Ilaahaaga iyo sharciga boqorka, xukun ha lagu soo dejiyo, iyadoo aad loogu dadaalayo, hadday tahay in la dilo, ama in la masaafuriyo, ama in xoolihiisa lagala wareego, amase in la xidho.
  • Sab 15:4 : 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
  • Maah 28:4 : 4 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
  • Ish 50:6 : 6 Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
  • Luuk 11:45-46 : 45 ¶ Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa. 46 Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 13:23-24
    2 aayado
    79%

    23¶ Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab.

    24Oo carruurtoodii badhkoodna waxay ku hadli jireen afkii reer Ashdood, oo afkii Yuhuuddana kuma ay hadli karin, laakiinse waxay ku hadli jireen sidii afkii dadyow kasta.

  • Nex 10:29-30
    2 aayado
    76%

    29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,

    30iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;

  • Cesr 9:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Oo markii waxyaalahaas la sameeyey dabadeed waxaa ii yimid amiirradii oo igu yidhi, Dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii iyo reer Laawi, gooni isagama ay soocin dadyowgii dalka degganaa, ee waxay sameeyaan waxyaalahooda karaahiyada ah ee ay reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo Masriyiintii, iyo reer Amor sameeyaan.

    2Waayo, iyaga iyo wiilashoodiiba waxay guursadeen gabdhahoodii, oo sidaasuu farcankii quduuska ahaa ugu qasmay dadyowgii dalka degganaa; oo weliba xadgudubkaas waxaa madax u ahaa amiirrada iyo taliyayaasha.

    3Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.

  • 12Haddaba gabdhihiinna wiilashooda ha u guurinina, wiilashiinnana gabdhahooda ha u guurinina, weligiinna ha doonina nabaddooda ama barwaaqadooda, si aad xoog u yeelataan, oo aad u cuntaan dalka wixiisa wanaagsan, oo aad carruurtiinnana dhaxal ahaan ugaga tagtaan weligiin.

  • Nex 13:26-28
    3 aayado
    74%

    26War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad.

    27Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa?

    28Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay.

  • 3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

  • 16oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

  • 18Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.

  • 1¶ Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.

  • 6Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.

  • 7Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?

  • 44Oo kulli intaasoo dhammu waxay wada guursadeen naago qalaad, oo qaarkood waxay qabeen naago ay carruur ka dhaleen.

  • Cesr 10:2-3
    2 aayado
    71%

    2Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.

    3Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.

  • 17Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?

  • 14Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.

  • 24oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

  • 16markaasaannu gabdhahayaga idin siin doonnaa, oo annaguna waxaan guursan doonnaa gabdhihiinna, oo waannu idinla degganaan doonnaa, oo waxaynu noqon doonnaa isku dad.

  • Nex 5:6-9
    4 aayado
    70%

    6Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan.

    7Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.

    8Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.

    9Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?

  • 70%

    10Markaasaa waxaa istaagay wadaadkii Cesraa ahaa oo wuxuu dadkii ku yidhi, Idinku waad xadgudubteen oo waxaad guursateen naago qalaad, oo sidaasaad reer binu Israa'iil xujada ugu sii kordhiseen.

    11Haddaba sidaas daraaddeed dembigiinna u qirta Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo sameeya wax isaga ka farxiya; oo gooni isaga sooca dadyowga dalka deggan, iyo naagaha qalaadba.

  • 11Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.

  • 12Markaasay yidhaahdeen, Waxoodii waan u celinaynaa, oo wax dambena weyddiisan mayno innaba. Waxaannu yeelaynaa sidaad tidhaahdo. Markaasaan u yeedhay wadaaddadii, oo waxaan ku dhaariyey inay ballankan siduu yahay oofiyaan.

  • 12Haddaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,

  • 21Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.

  • 19Oo iyana waxay gacantooda ku dhiibeen oo ku ballanqaadeen inay naagahooda eryaan, oo iyagoo xujo leh waxay xujadooda ugu bixiyeen wan idaha laga soo qabtay.

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.

  • 2Naag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.

  • 3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

  • 10Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?

  • 37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

  • 9Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 19Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga.

  • 13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • 17Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.

  • 27Sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo cuntadaadii caadiga ahaydna waan kaa dhimay, oo waxaan gacanta kuu geliyey kuwa ku neceb doonistooda, kuwaasoo ah gabdhaha reer Falastiin oo jidkaaga sharka ah ka ceeboobay.