Ishacyaah 58:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 61:4 : 4 Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.
  • Aam 9:11 : 11 ¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
  • Aam 9:14 : 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.
  • Yex 36:8-9 : 8 Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan. 9 Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa. 10 Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa. 11 Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 36:33 : 33 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalinta aan idinka nadiifin doono xumaatooyinkiinna oo dhan waxaan ka dhigi doonaa in magaalooyinka la degganaado, oo meelihii burburayna waa la wada dhisi doonaa.
  • Ish 51:3 : 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
  • Nex 2:5 : 5 Oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, hadday ku farxiso, oo haddaad raalli iga tahay anoo addoonkaaga ah, waxaan doonayaa inaad ii dirtid dalka Yahuudah oo ay ku taal magaalada awowayaashay xabaalahoodu yihiin, inaan dhiso.
  • Nex 2:17 : 17 Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.
  • Nex 4:1-7 : 1 ¶ Laakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday. 2 Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay? 3 Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah. 4 Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta. 5 Oo xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen. 6 Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan. 7 ¶ Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.
  • Nex 6:1 : 1 ¶ Haddaba markii Sanballad iyo Toobiyaah iyo Geshem kii Carabka ahaa, iyo cadaawayaashayadii kale loo sheegay inaan derbigii dhisay iyo inaan innaba daldalool lagu arag (in kastoo wakhtigaas aanan weli qotomin albaabbadii irdaha),
  • Ish 44:28 : 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
  • Ish 49:8 : 8 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
  • Ish 52:9 : 9 Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
  • Yer 31:38 : 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.
  • Yex 36:4 : 4 Sidaas daraaddeed buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Sayidka Rabbiga ah maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha iyo kuraha, iyo webiyaasha, iyo dooxooyinka, iyo meelaha cidlada ah, iyo magaalooyinka laga tegey oo quruumaha kale ee ku wareegsan wax la dhaco oo la quudhsado u noqday,
  • Daan 9:25 : 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 61:4-5
    2 aayado
    85%

    4Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.

    5Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.

  • Ish 60:14-15
    2 aayado
    75%

    14Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

    15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • 14¶ Oo isna wuxuu odhan doonaa, Dhisa, dhisa, oo jidka hagaajiya, oo jidka dadkayga waxa lagu turunturoodo ka wareejiya.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • 13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,

  • Aam 9:11-12
    2 aayado
    75%

    11¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,

    12inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.

  • 12Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.

  • 8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.

  • 26kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.

  • 17Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.

  • 10¶ Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.

  • Ish 60:10-11
    2 aayado
    72%

    10Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.

    11Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.

  • 12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.

  • Ish 54:2-3
    2 aayado
    72%

    2Meesha teendhadaada ballaadhi, oo rugahaaga daahyadoodana ha la kala bixiyo. Waxba ha la hadhin, xadhkahaaga sii dheeree, oo dhidbahaagana sii xoogee.

    3Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.

  • 21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 18Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.

  • 36Oo markaasaa quruumaha hareerihiinna ku hadhay waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan meelihii dumay dhisay, iyo inaan dhulkii cidlada ahaa beeray. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo waxaasna waan samayn doonaa.

  • 26Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah.

  • 5Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,

  • 15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

  • 2Waayo, waxaad magaalo ka dhigtay meel tuulan, oo magaalo deyr lehna burbur, oo daartii weynayd ee shisheeyahana waxaad ka dhigtay wax aan magaalo ahayn, oo mar dambena lama dhisi doono.

  • 14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.

  • Yer 30:17-18
    2 aayado
    71%

    17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

    18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • Ish 54:11-13
    3 aayado
    71%

    11¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

    12Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah.

    13Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn.

  • 4Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.

  • 5wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.

  • 4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.

  • 18Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.

  • 21Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 11Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.

  • 6¶ Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,

  • 2Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

  • 8Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.

  • 27Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 34Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

  • 10Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa.

  • 38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

  • 8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,