Sakaryaah 6:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 60:10 : 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.
  • Sak 3:7 : 7 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid.
  • Ish 56:6-8 : 6 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya, 7 kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada. 8 Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
  • Ish 57:19 : 19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.
  • Ish 58:10-14 : 10 oo haddaad ka gaajaysan quudkaaga siisid, oo aad nafta dhibaataysan dherjisid, markaas iftiinkaagu gudcur buu ka soo dhex kaahi doonaa, oo madowgaaguna wuxuu noqon doonaa sida hadh cad oo kale. 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin. 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego. 13 Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn, 14 markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Yer 7:23 : 23 laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
  • Sak 2:8-9 : 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda. 9 Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray. 10 Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa. 11 Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.
  • Ish 3:10 : 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.
  • Sak 4:8-9 : 8 Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi, 9 Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.
  • Sak 6:12 : 12 Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.
  • Yoox 17:20-21 : 20 ¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, 21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.
  • Fal 2:39 : 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
  • Room 16:26 : 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
  • 1 Kor 3:10-15 : 10 ¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo. 11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix. 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal, 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona. 14 Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa. 15 Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
  • Ef 2:13-22 : 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa. 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey, 18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha. 19 Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah, 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa. 21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah. 22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
  • 1 But 2:4-5 : 4 kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah. 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix.
  • 2 But 1:5-9 : 5 Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon, 6 aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado, 7 cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl. 8 Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey. 10 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 4:8-9
    2 aayado
    79%

    8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

    9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

  • Xag 1:8-9
    2 aayado
    77%

    8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

  • Sak 6:9-10
    2 aayado
    75%

    9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    10Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid.

  • Sak 6:12-14
    3 aayado
    75%

    12Isaga la hadal, oo waxaad ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo leeyahay, Bal eega ninka magiciisu yahay Biqilka. Wuxuu ku kori doonaa meeshiisa, oo macbudka Rabbiga ayuu dhisi doonaa.

    13Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.

    14Oo taajajka waxaa yeelan doona Xeelem iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah iyo Xeen oo ah ina Sefanyaah, oo waxayna u ahaan doonaan xusuus macbudka Rabbiga ku jirta.

  • Sak 1:16-17
    2 aayado
    74%

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • 38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

  • Cesr 5:15-16
    2 aayado
    73%

    15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

    16Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

  • 4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

  • 3Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

  • Xag 2:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.

    7Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 9laakiinse haddaad ii soo noqotaan oo aad amarradayda xajisaan oo aad yeeshaan, in kastoo kuwiinna la tuuray ay joogaan meesha samada ugu fog, halkaasaan ka soo ururin doonaa, oo waxaan keeni doonaa meeshii aan u doortay inaan ka dhigo in magacaygu joogo.

  • Sak 8:20-22
    3 aayado
    72%

    20Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

    21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

    22Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.

  • 38oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

  • 32Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan,

  • 2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

  • 16Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.

  • 6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • 11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • 1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • Cesr 6:6-7
    2 aayado
    71%

    6Haddaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada,

    7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

  • 23Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.

  • 12Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.

  • 6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

  • 4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Warroy dalka woqooyi ka carara, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin kala firdhiyey sida afarta dabaylood oo samada.

  • 15Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.

  • 5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.

  • 2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.