2 Taariikhdii 36:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 22:16 : 16 oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro.
  • 1 Taar 29:5 : 5 iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
  • Cesr 7:13 : 13 ¶ Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan.
  • Sab 75:5-7 : 5 Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina. 6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed, Ama xataa xagga koonfureed toona. 7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
  • Ish 44:26-28 : 26 kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa. 27 Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa, 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
  • Daan 2:21 : 21 oo wakhtiyada iyo xilliyadana isagaa kala bedbeddela; isagaa boqorro dejiya oo boqorro saara. Xigmad buu siiyaa kuwa xigmadda leh, aqoonna wuu siiyaa kuwa wax garta.
  • Daan 2:37 : 37 Adigu, Boqorow, waxaad tahay boqorkii boqorrada, oo Ilaaha samadu siiyey boqortooyada, iyo xoogga, iyo itaalka iyo ammaanta.
  • Daan 4:35 : 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?
  • Daan 5:18 : 18 ¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,
  • Daan 5:23 : 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
  • Sak 2:6-7 : 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Warroy dalka woqooyi ka carara, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin kala firdhiyey sida afarta dabaylood oo samada. 7 Siyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso.
  • Room 8:31 : 31 ¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 1:1-8
    8 aayado
    92%

    1¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,

    2Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah.

    3Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

    4Oo ku alla kii ku hadha meesha uu deggan yahay, dadka ay isku degmada yihiin ha ku caawiyaan lacag iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, oo ayan ku jirin qurbaanka ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal.

    5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

    6Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.

    7Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

    8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • 22¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay, oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,

  • Cesr 5:12-17
    6 aayado
    80%

    12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

    13Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.

    14Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;

    15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

    16Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

    17Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

  • Cesr 4:2-3
    2 aayado
    80%

    2ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

  • 28kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.

  • Cesr 6:3-5
    3 aayado
    79%

    3Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun;

    4oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.

    5Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:

  • 12oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo.

  • 14Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.

  • 27¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,

  • Cesr 6:7-8
    2 aayado
    75%

    7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

    8Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.

  • 13¶ Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 15iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem,

  • 20Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,

  • 20Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?

  • 36Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.

  • 35Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?

  • 7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

  • 8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.

  • 3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

  • 23Haddaba wax alla wixii Ilaaha samadu uu amro saas dadaal ha loogu sameeyo guriga Ilaaha samada aawadiis, waayo, bal maxay cadho ugu dhacaysaa boqortooyada boqorka iyo wiilashiisa?

  • 18Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.

  • 8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.