Cesraa 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 19:37 : 37 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
  • 2 Boq 17:24 : 24 ¶ Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen.
  • 2 Boq 17:27-33 : 27 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas. 28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen. 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen. 30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa, 31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim. 32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare. 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
  • 2 Boq 17:41 : 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
  • Bil 10:11 : 11 Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
  • Cesr 1:5 : 5 ¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.
  • Cesr 2:2 : 2 oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
  • Cesr 3:2 : 2 Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.
  • Cesr 3:12 : 12 Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,
  • Sab 73:8 : 8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
  • Maah 26:23-26 : 23 Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed. 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo. 26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
  • Ish 37:37 : 37 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
  • Hos 14:3 : 3 Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan.
  • 2 Kor 11:13-15 : 13 ¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • Gal 2:4 : 4 walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.
  • 2 Tim 3:8 : 8 Siday Yannees iyo Yambarees isu hor taageen Muuse, saas oo kalay kuwanuna runta isu hor taagaan; waana niman maankoodu kharribmay oo xagga iimaankana laga nacay.
  • 2 But 2:1-2 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. 2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 4:3-4
    2 aayado
    84%

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

    4Markaasaa dadkii dalka degganaa waxay daaliyeen gacmihii dadkii reer Yahuudah, oo waxdhisiddiina way ka cabsiiyeen,

  • 1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • Cesr 5:2-4
    3 aayado
    79%

    2Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

    4Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?

  • Cesr 5:8-13
    6 aayado
    77%

    8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.

    9Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?

    10Oo haddana waxaannu kaloo weyddiinnay magacyadoodii, si aan kuu ogeysiinno, iyo si aan kuugu soo qorno nimanka madaxdooda ah magacyadooda.

    11Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.

    12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

    13Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.

  • Cesr 1:2-8
    7 aayado
    77%

    2Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah.

    3Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

    4Oo ku alla kii ku hadha meesha uu deggan yahay, dadka ay isku degmada yihiin ha ku caawiyaan lacag iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, oo ayan ku jirin qurbaanka ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal.

    5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

    6Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.

    7Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

    8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • Cesr 3:7-9
    3 aayado
    77%

    7Oo waxay wastaadyadii iyo nijaarradii siiyeen lacag; oo kuwii reer Siidoon iyo kuwii reer Turosna waxay siiyeen cunto, iyo cabniin, iyo saliid si ay geedaha kedarka la yidhaahdo Lubnaan uga keenaan oo ay badda u soo marsiiyaan ilaa Yaafaa, sidii uu Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ugu oggolaaday.

    8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

    9Markaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.

  • Cesr 3:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

    2Markaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.

  • Cesr 5:15-17
    3 aayado
    74%

    15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

    16Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

    17Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

  • 4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,

  • 7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

  • 14Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.

  • 68Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.

  • Xag 1:14-15
    2 aayado
    73%

    14Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,

    15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • 2Haddaba reer Beytel waxay soo direen Shareser iyo Regem Meleg iyo raggoodiiba inay Rabbiga baryaan,

  • 9Waayo, waxaannu nahay dad addoommo ah, laakiinse Ilaahayagu naguma dayrin addoonnimadayadii, illowse naxariis buu nagu siiyey boqorradii Faaris hortooda, inuu na nooleeyo aawadeed, si aannu u taagno guriga Ilaahayo, oo aannu u hagaajinno burburkiisii hore, iyo inuu derbi naga dhex siiyo Yahuudah iyo Yeruusaalemba.

  • Cesr 2:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,

    2oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

  • Nex 2:17-18
    2 aayado
    72%

    17Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.

    18Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.

  • 12Boqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen.

  • 10iyo quruumaha intoodii kale oo boqorkii weynaa oo gobta ahaa Aasnafar u soo gudbiyey oo dejiyey magaalada Samaariya iyo dalka intiisa kaloo webiga ka shishaysa iyo wixii la mid ah.

  • 20Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.

  • 23Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.

  • 9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

  • 2Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.

  • 22oo waxay toddoba maalmood farxad ku dhawreen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, waayo, Rabbigu aad buu uga farxiyey, oo wuxuu iyaga u soo jeediyey qalbigii boqorkii Ashuur inuu gacmahooda xoogeeyo intay ka shaqaynayeen gurigii Ilaah, kaasoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil.