Sakaryaah 8:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 2:11 : 11 Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.
  • Yer 16:19 : 19 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magangalow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
  • Hos 1:10 : 10 ¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.
  • Hos 2:23 : 23 Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.
  • Aam 9:12 : 12 inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.
  • Miik 4:1-2 : 1 ¶ Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan. 2 Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
  • Sak 14:16-17 : 16 Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka. 17 Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.
  • Mal 1:11 : 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
  • Mat 8:11 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,
  • Fal 15:14 : 14 ¶ Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.
  • Fal 15:18 : 18 Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.
  • Room 15:9-9 : 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa. 10 Oo haddana wuxuu leeyahay, Quruumahow, la reyreeya dadkiisa. 11 Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga. 12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha, Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • 1 Boq 8:41 : 41 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis,
  • 1 Boq 8:43 : 43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
  • 2 Taar 6:32-33 : 32 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan, 33 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.
  • Sab 22:27 : 27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
  • Sab 67:1-4 : 1 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah) 2 In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya. 3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen. 4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
  • Sab 72:17 : 17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa, Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto; Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga, Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
  • Sab 89:9 : 9 Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
  • Sab 117:1-2 : 1 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga. 2 Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.
  • Sab 138:4-5 : 4 Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga. 5 Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
  • Ish 2:2-3 : 2 ¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan. 3 Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
  • Ish 11:10 : 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
  • Ish 49:6 : 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
  • Ish 49:22-23 : 22 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan. 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Ish 60:3-9 : 3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada. 4 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa. 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa. 6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa. 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa. 8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya? 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay. 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay. 12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.
  • Ish 66:18-20 : 18 Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan. 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 8:21-23
    3 aayado
    84%

    21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

    22Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.

    23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.

  • Sak 8:18-19
    2 aayado
    79%

    18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

    19Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.

  • Sak 1:16-17
    2 aayado
    77%

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • Sak 8:3-8
    6 aayado
    77%

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

    4Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

    5Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.

    6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

    8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

  • Sak 8:11-12
    2 aayado
    74%

    11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

    12Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • 38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

  • Yer 31:23-24
    2 aayado
    73%

    23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

    24Xaggaas waxaa degganaan doona dadka dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisa oo dhanba, kuwaasoo beeraley iyo kuwa xoolodhaqato ah.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 8Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?

  • Sak 2:10-11
    2 aayado
    73%

    10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

    11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • 15Oo kuwa meelaha fog jooga ayaa iman doona oo waxay ka shaqayn doonaan dhisidda macbudka Rabbiga, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu uu ii soo kiin diray. Tanu way ahaan doontaa haddaad ku dadaashaan inaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeecdaan.

  • 8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

  • 2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

  • 4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,

  • 3Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • 8¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 4Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.

  • 21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

  • 8Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.

  • 4Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.

  • 1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

  • 22¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.

  • 3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8¶ Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

  • 4¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 16Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.

  • 8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.