Sakaryaah 8:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 2:31 : 31 Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.
  • Ayuub 5:26 : 26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
  • Ayuub 42:17 : 17 Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.
  • Ish 65:20-22 : 20 Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran. 21 Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.
  • Bar 2:20-22 : 20 Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa? 21 Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin. 22 Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.
  • Bar 5:11-15 : 11 Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday. 12 Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin. 13 Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen. 14 Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen. 15 Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
  • Cib 12:22 : 22 Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 8:5-9
    5 aayado
    85%

    5Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.

    6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

    7Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.

    8Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.

  • Sak 8:20-23
    4 aayado
    77%

    20Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.

    21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.

    22Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.

    23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.

  • 11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

  • Sak 1:16-17
    2 aayado
    73%

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • 4Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • Yer 31:23-24
    2 aayado
    72%

    23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

    24Xaggaas waxaa degganaan doona dadka dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisa oo dhanba, kuwaasoo beeraley iyo kuwa xoolodhaqato ah.

  • 4Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.

  • 12Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.

  • 15sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.

  • Sak 14:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.

    2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 4¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?

  • 8Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa

  • 12Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

  • 3Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda

  • Miik 4:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

    8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.

  • Ish 3:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Waayo, bal eega, Sayidka ciidammada ahu wuxuu Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ka qaadayaa tiirka iyo waxa la cuskado, xataa tiirka cuntada oo dhan, iyo tiirka biyaha oo dhan,

    2iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga,

  • 13Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.

  • 22Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.

  • 4Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.

  • 26Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 25markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.

  • 17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

  • 4Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,

  • 2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

  • 8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

  • 10Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan, Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado. Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

  • 21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,