Miikaah 4:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 20:18 : 18 Wiilashaada kaa soo bixi doona oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa; oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
  • Ish 48:20 : 20 ¶ Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.
  • Ish 52:9-9 : 9 Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna. 11 Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada. 12 Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.
  • Hos 2:14 : 14 ¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.
  • Hos 13:13 : 13 Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.
  • Ish 43:14 : 14 ¶ Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka aawadiin ayaan Baabuloon ugu cid diray, oo kuweedii cararay oo dhanna, kuwaasoo ahaa reer Kaldayiin, waxaan ku keeni doonaa doonniyaha ay ku faani jireen.
  • Ish 45:13 : 13 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.
  • Miik 7:8-9 : 8 ¶ Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona. 9 Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa. 10 Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal. 11 Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa. 12 Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale. 13 Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.
  • Sak 2:7-9 : 7 Siyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso. 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda. 9 Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.
  • Yoox 16:20-22 : 20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad. 21 Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay. 22 Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono.
  • Muj 12:14 : 14 Oo waxaa naagtii la siiyey laba baal oo gorgor weyn si ay uga duusho maskii ilaa meesheedii cidlada ku tiil, halkaasoo iyada lagu quudiyo wakhti, iyo wakhtiyo, iyo wakhti badhkiis.
  • Ish 66:7-9 : 7 Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay. 8 Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?
  • Yer 15:21 : 21 Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
  • Hos 1:10 : 10 ¶ Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.
  • 2 Boq 25:4 : 4 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)
  • 2 Taar 33:11 : 11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.
  • 2 Taar 36:20 : 20 Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,
  • Cesr 1:1-2 : 1 ¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi, 2 Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah.
  • Sab 106:10 : 10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Miik 4:8-9
    2 aayado
    85%

    8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.

    9Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?

  • 7Siyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso.

  • 31Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 23Kuwiinna Lubnaan deggan oo geedaha kedarka ah buulka ka samaystow, aad baad ugu taahi doontaan markii xanuun idin qabto sida naag foolanaysa oo kale!

  • Ish 26:17-18
    2 aayado
    77%

    17Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay.

    18Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan.

  • 17Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.

  • 2Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay.

  • Bar 4:21-22
    2 aayado
    75%

    21Reer Edom oo dalka Cuus degganow, farax oo reyree. Koobku adiguu kuu soo gudbi doonaa, waanad sakhraami doontaa, oo waad isqaawin doontaa.

    22Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.

  • 8Oo magaalada Siyoonna waxaa looga tegey sidii waab beercanab ku dhex yaal, iyo sidii buul beer khijaar ah ku dhex yaal, iyo sidii magaalo cadow hareereeyey.

  • 24Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

  • 9Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.

  • Ish 66:7-8
    2 aayado
    74%

    7Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay.

    8Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay.

  • 43Boqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

  • 21Bal maxaad odhan doontaa markii madax lagaaga dhigo kuwaad bartay inay saaxiibbo kuu noqdaan? Sow xanuun kuuma qaban doono sida naag foolanaysa?

  • 4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • Bar 1:3-5
    3 aayado
    73%

    3Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.

    4Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

    5Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.

  • 6Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay?

  • 19Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?

  • 1¶ Gabadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan.

  • Yer 9:19-20
    2 aayado
    73%

    19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

    20Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.

  • 20¶ Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.

  • 13Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa? Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo? Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?

  • 10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

  • 19Bal maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn?

  • 28Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 3Sidaas daraaddeed naxdin baa cidhiidhi i gelisay, oo waxaa i qabtay xanuun badan sida naag foosheed oo kale, oo xanuun aawadiis waxba waan maqli kari waayay, oo naxdin aawadeed waxba waan arki kari waayay.

  • 2Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.

  • 13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.

  • 10Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan, Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado. Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.

  • 5Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.

  • 2oo uur bay lahayd; wayna qaylinaysay iyadoo foolanaysa oo xanuunsanaysa oo doonaysa inay umusho.

  • 14¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.

  • 33¶ Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.

  • 26Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.

  • 2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • 9¶ Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!

  • 8Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay.

  • 3¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,