Ishacyaah 51:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 47:9 : 9 Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.
  • Aam 7:2 : 2 Oo markay dhammeeyeen cunitaankii cawskii dalka ayaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, na cafi, waayo, bal reer Yacquub sidee bay isu taagi doonaan? Waayo, iyagu waa yar yihiin.
  • 2 Kor 7:6-7 : 6 Laakiin Ilaaha dhiirigeliya kuwa is-hoosaysiiya ayaa nagu dhiirrigeliyey imaatinka Tiitos; 7 mana aha imaatinkiisa oo keliya, laakiin wuxuu nagu dhiirrigeliyey dhiirrigeliskii aad isaga dhiirrigeliseen. Wuxuu noo sii sheegay xiisaha iyo caloolxumaanta iyo dadaalka aad ii qabtaan, si aan weliba aad ugu sii farxay.
  • 2 Kor 7:13 : 13 Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.
  • 2 Tes 2:16-17 : 16 ¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan, 17 qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.
  • Ish 61:2 : 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
  • Yer 9:17-21 : 17 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene. 18 Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan. 19 Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey. 20 Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto. 21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
  • Bar 1:9 : 9 Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
  • Bar 1:12 : 12 Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.
  • Bar 1:16-17 : 16 Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday. 17 Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
  • Yex 14:21 : 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Ayuub 2:11 : 11 ¶ Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.
  • Ayuub 42:11 : 11 Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.
  • Sab 69:20 : 20 Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
  • Wacd 4:1 : 1 ¶ Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.
  • Ish 14:30 : 30 Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.
  • Ish 22:4 : 4 Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta.

  • Bar 1:16-17
    2 aayado
    79%

    16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

    17Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.

  • 20Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.

  • 21Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?

  • 4Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.

  • 5Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?

  • Bar 1:11-12
    2 aayado
    77%

    11Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

    12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

  • Miik 4:9-10
    2 aayado
    77%

    9Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?

    10Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.

  • 15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • Bar 1:1-5
    5 aayado
    76%

    1Magaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay!

    2Habeenkii aad bay u ooydaa, oo ilmadeediina dhabannaday kaga taal. Kuwii jeclaa oo dhan iyadu kama haysato mid u qalbi qaboojiya. Saaxiibbadeedii oo dhammu way wada khiyaaneeyeen, Oo waxay noqdeen cadaawayaasheedii.

    3Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.

    4Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.

    5Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.

  • 26Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.

  • 7Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?

  • 9Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.

  • Yer 9:19-20
    2 aayado
    75%

    19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

    20Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.

  • 31Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.

  • 19Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan.

  • Bar 2:11-13
    3 aayado
    75%

    11Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa, Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii, Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.

    12Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii? Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale, Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.

    13Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa? Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo? Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?

  • Bar 2:20-22
    3 aayado
    75%

    20Rabbiyow, bal eeg, oo ka fiirso kan aad waxan ku samaysay! Naaguhu ma inay midhaha maxalkooda oo ah carruurtii ay koolkooliyeen cunaan baa? Wadaadka iyo nebiga ma in meesha quduuska ah ee Sayidka lagu dilaa baa?

    21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.

    22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 21Bal maxaad odhan doontaa markii madax lagaaga dhigo kuwaad bartay inay saaxiibbo kuu noqdaan? Sow xanuun kuuma qaban doono sida naag foolanaysa?

  • 22Laakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.

  • 10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

  • 10Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.

  • 23Kuwiinna Lubnaan deggan oo geedaha kedarka ah buulka ka samaystow, aad baad ugu taahi doontaan markii xanuun idin qabto sida naag foolanaysa oo kale!

  • 19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

  • 12kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan.

  • 17Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.

  • 10Way madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.

  • 19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 9Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.

  • 4Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?

  • 14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

  • 2Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.

  • 13Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.

  • 12In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!