Luukos 6:48

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isagu wuxuu u eg yahay nin guri dhisay, oo qoday oo hoos u dheereeyey; aasaaskiina ayuu dhagax weyn ka dul dhisay. Goortii daadku yimid ayaa webigu ku soo jabay gurigaas, xoog uu ku gilgilose ma lahayn, waayo, si wanaagsan ayaa loo dhisay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 28:16 : 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.
  • 1 Kor 3:10-15 : 10 ¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo. 11 Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix. 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal, 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona. 14 Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa. 15 Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
  • Yuud 1:24 : 24 ¶ Oo kan kara inuu turunturada idinka ilaaliyo oo uu ammaantiisa idin hor taago, idinkoo aan iin lahayn oo aad u faraxsan,
  • Sab 62:2 : 2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Sab 95:1 : 1 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
  • Sab 125:1-2 : 1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta. 2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
  • Maah 10:25 : 25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
  • Ish 26:4 : 4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
  • Ish 59:19 : 19 Markaasaa magaca Rabbiga xagga galbeed lagaga cabsan doonaa, oo ammaantiisana xagga qorrax-ka-soobaxaa lagaga cabsan doonaa. Marka cadowgu sida daad oo kale u yimaado ayaa Ruuxa Rabbigu eryi doonaa.
  • Nax 1:8 : 8 Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.
  • Mat 7:25-26 : 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Fal 14:22 : 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
  • Room 8:35-38 : 35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? 36 Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo. 37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. 38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,
  • Sharc 32:15 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
  • Sharc 32:18 : 18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
  • Sharc 32:31 : 31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
  • 1 Sam 2:2 : 2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
  • 2 Sam 22:2 : 2 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah, iyo qalcaddayda iyo samatabbixiyahayga, xataa waa kayga;
  • 2 Sam 22:5 : 5 Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.
  • 2 Sam 22:32 : 32 Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
  • 2 Sam 22:47 : 47 Rabbigu waa nool yahay; oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn; Oo ha sarreeyo Ilaaha ah dhagaxa weyn ee badbaadintayda;
  • Muj 6:14-17 : 14 Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey. 15 Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha; 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
  • Sab 32:6 : 6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
  • Sab 46:1-3 : 1 Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada. 2 Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan, 3 Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
  • 1 Kor 15:55-58 : 55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii? 56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga. 57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix. 58 Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.
  • Ef 2:20 : 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa.
  • 2 Tim 2:19 : 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago.
  • 1 But 2:4-6 : 4 kaas oo aad u imanaysaan, oo ah dhagax nool, oo dadku diiday, laakiin xagga Ilaah laga doortay oo qaali ah. 5 Idinkuna sida dhagaxyo noolnool ayaa waxaa laydinka dhisayaa guri ruux ah inaad ahaataan wadaaddo quduus ah si aad xagga ruuxa uga bixisaan allabariyo uu Ilaah ku aqbalo Ciise Masiix. 6 Maxaa yeelay, waxaa Qorniinku leeyahay, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax geeseed oo weyn, oo la doortay, oo qaali ah, Oo kii isaga rumaystaa ma ceeboobi doono.
  • 2 But 1:10 : 10 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.
  • 2 But 3:10-14 : 10 ¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa. 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado, 12 idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan. 13 Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay. 14 ¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.
  • 1 Yoox 2:28 : 28 Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.
  • Muj 20:11-15 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin. 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. 14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
  • 2 Sam 23:3 : 3 Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 7:24-27
    4 aayado
    87%

    24¶ Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa.

    25Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa.

    26Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay.

    27Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.

  • 49Laakiin kii maqla oo aan yeelin, wuxuu u eg yahay nin dhulka ka dhisay guri aan aasaas lahayn. Kan webigu ku soo jabay, oo kolkiiba ayuu dumay, oo dumiddii gurigaasu waa weynayd.

  • 47Kii kasta oo ii yimaada, oo ereyadayda maqla, oo yeela, waxaan idin tusayaa kuu u eg yahay.

  • 71%

    10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

    11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.

    12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,

  • 2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

  • 13Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.

  • 71%

    28Waayo, midkiinnee doonaya inuu noobiyad dhiso oo aan kolkii hore fadhiisan inuu xisaabo intay ku kacayso, inuu ogaado inuu haysto wax uu ku dhammeeyo iyo in kale?

    29Waaba intaasoo markuu aasaaska dhigo oo uu dhammayn kari waayo, kuwa eegaya oo dhammu ay bilaabaan inay ku qoslaan,

    30iyagoo leh, Ninkanu wuxuu bilaabay inuu wax dhiso, waana dhammayn kari waayay.

  • 16sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono.

  • 18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,

  • 3Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,

  • 6Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah

  • 68%

    17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?

    18Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.

  • 44Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

  • 5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

  • 5Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.

  • Mat 13:20-21
    2 aayado
    67%

    20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.

    21Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa.

  • 15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

  • 8¶ Markaad dhisatid guri cusub, saqafkiisa waa inaad derbi ku wareejisaa si aadan reerkaaga dhiig ugu soo jiidin haddii nin halkaas ka soo dhaco.

  • 18Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan.

  • 18Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.

  • 18Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.

  • 25Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.

  • 15Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 19iyagoo wakhtiga imanaya u dhiganaya aasaas wanaagsan, inay nolosha runta ah qabsadaan.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 48Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen.

  • Luuk 8:5-6
    2 aayado
    66%

    5Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.

    6Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn.

  • 18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

  • 23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

  • 8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

  • 28Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,

  • 16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.

  • 14oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.

  • 17xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.

  • 39¶ Markaasuu masaal kula hadlay. Indhoole indhoole ma hagi karaa? Labadoodu miyaanay god ku dhici doonin?

  • 15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

  • 18Caajisnimo badan saqafku waa ku dumaa, oo shuqulla'aanta gacmahana gurigaa ku darroora.