Sabuurradii 24:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 15:1 : 1 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
  • Sab 68:18 : 18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
  • Mal 3:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.
  • Sab 2:6 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
  • Yoox 13:36 : 36 ¶ Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.
  • Yoox 20:17 : 17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin.
  • Ef 4:8-9 : 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado. 9 Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya? 10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba.
  • Cib 12:22-24 : 22 Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay, 23 iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay, 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • Cib 12:28 : 28 Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna;
  • Sab 78:68-69 : 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday. 69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
  • Sab 132:13-14 : 13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto. 14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
  • Sab 65:4 : 4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
  • Sab 68:15-16 : 15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan. 16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
  • Laaw 10:3 : 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
  • 2 Sam 6:12-17 : 12 Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud. 13 Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis. 14 Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey. 15 Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya. 16 Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay. 17 Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
  • 1 Taar 15:1 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.
  • 1 Taar 15:25-28 : 25 Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan. 26 Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen. 27 Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah. 28 Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 15:1-2
    2 aayado
    84%

    1Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?

    2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

  • Sab 24:4-5
    2 aayado
    84%

    4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

    5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

  • 3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

  • 2Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

  • Sab 113:4-6
    3 aayado
    75%

    4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

    5Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare,

    6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

  • 16Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.

  • Sab 24:7-10
    4 aayado
    74%

    7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

    8Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.

    9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.

    10Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

  • 2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 31Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

  • 4Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.

  • 14iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,

  • 1¶ Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.

  • 32Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

  • 1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.

  • 1Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.

  • 12¶ Meeshayada quduuska ahu waa carshi sharaf badan oo tan iyo bilowgii sarreeyey.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

  • 6Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

  • 9Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.

  • 1Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?

  • 16Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?

  • 6Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.

  • 2¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.

  • 2Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa, Oo Rabbiga ammaana.

  • 21Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 7Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.

  • 1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

  • 9Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • 3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • 19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.

  • 3Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.

  • 6Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,

  • 10Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

  • 2Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.

  • 5Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.

  • 14Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?

  • 7Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.

  • 2Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

  • 18Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay?

  • 9Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?