Ishacyaah 33:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 12:29 : 29 waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.
  • Muj 14:10 : 10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.
  • Ish 66:24 : 24 Oo iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.
  • Mat 18:8 : 8 Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah.
  • Mat 25:41 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.
  • Mat 25:46 : 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Sharc 5:24-25 : 24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay. 25 Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.
  • Sharc 32:21-24 : 21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah. 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.
  • Ayuub 15:21-22 : 21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa. 22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono, Iyo inay seeftu isaga sugayso.
  • Ayuub 18:11 : 11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
  • Sab 11:6 : 6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
  • Sab 21:9 : 9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
  • Sab 50:3 : 3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
  • Sab 53:5 : 5 Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
  • Maah 28:1 : 1 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
  • Ish 5:24 : 24 Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
  • Ish 7:2 : 2 Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
  • Ish 9:17 : 17 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
  • Ish 10:6 : 6 Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
  • Ish 28:14-15 : 14 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed kuwiinna wax quudhsada oo dadkan Yeruusaalem deggan u taliyow erayga Rabbiga maqla. 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan,
  • Ish 28:17-22 : 17 Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada. 18 Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa. 19 Oo markay dhacaysoba way idin kaxaysan doontaa, waayo, waxay dhici doontaa subax ka subax, iyo habeen iyo maalinba, oo in warka la garto waxay noqon doontaa cabsi uun. 20 Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo. 21 Waayo, Rabbigu wuxuu u soo kici doonaa siduu Buur Feraasiim ugu kacay, oo wuxuu u cadhoon doonaa siduu dooxada Gibecoon ugu cadhooday, inuu sameeyo shuqulkiisa, waana shuqulkiisa yaabka leh, iyo inuu falintiisa falo, waana falintiisa aan la fillayn. 22 Haddaba sidaas daraaddeed ha noqonina kuwa wax quudhsada yaan waxa laydinku xidhay idinku sii adkaynine, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammada waxaan ka maqlay xukunkii baabbi'inta ee uu dhulka oo dhan la damacsan yahay.
  • Ish 29:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
  • Ish 29:13 : 13 ¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
  • Ish 30:8-9 : 8 Haddaba tag, oo waxaad hortooda warkan ku qortaa loox, oo kitaabna ku qor, si uu wakhtiga soo socda markhaati ugu noqdo weligiis iyo weligiisba, 9 waayo, kuwanu waa ummad caasiyowday, iyo dad been miidhan ah, iyo dad aan doonayn inay sharciga Rabbiga maqlaan, 10 oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah. 11 Jidka ka leexda, oo wadiiqadana ka weecda, oo hortayadana kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil ka fogeeya.
  • Ish 30:27-33 : 27 ¶ Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya. 28 Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda. 29 Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago. 30 Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale. 31 Waayo, kan reer Ashuur oo wax ushiisa ku dhufan jiray waxaa burburin doona codka Rabbiga, 32 Oo darbad kasta oo usha loo diyaariyeyba, kaasoo Rabbigu saari doono, waxaa la jiri doona daf iyo kataarado, oo wuxuu kula diriri doonaa dagaallo gariir badan. 33 Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.
  • Ish 32:11 : 11 Naagaha istareexsanow, gariira, oo kuwiinna aan digtoonaynow, dhibtooda. Ismudhxiya, oo isqaawiya, oo dhar joonyad ah dhexda ku xidha.
  • Ish 34:9 : 9 Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.
  • Mark 9:43-49 : 43 Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn 44 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 45 Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 46 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 47 Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 48 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 49 ¶ Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa.
  • Luuk 16:23-26 : 23 Intuu Haadees ku jiray ayuu indhihiisa kor u qaaday isagoo aad u silcaya; wuxuuna meel fog ka arkay Ibraahim, iyo Laasaros oo laabtiisa ku tiirsan. 24 Markaasuu qayliyey oo yidhi, Aabbe Ibraahimow, ii naxariiso, oo Laasaros ii soo dir inuu fartiisa caaraddeeda biyo ku tiinbiyo oo carrabkayga ku qabowjiyo, waayo, anigu ololkan ayaan ku silcayaa. 25 Laakiin Ibraahim wuxuu ku yidhi, Wiil yahow, xusuuso inaad waxaagii wanaagsanaa heshay intii aad noolayd, si la mid ah ayuu Laasaros waxa xun helay, laakiin haddeer isaga halkan ayaa lagu raaxaysiiyey, adiguse waad silcaysaa. 26 Weliba annaga iyo idinka waxaa layna dhex dhigay bohol aad u weyn, si kuwa doonaya inay halkan ka sii tallaabaan inay idiin yimaadaan aanay u karin, oo kuwa xaggaasna ayna noogu soo tallaabin.
  • 2 Tes 1:8 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Mat 22:12 : 12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
  • Mat 24:51 : 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Nax 1:6 : 6 ¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
  • Muj 20:10 : 10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.
  • Muj 6:15-17 : 15 Oo boqorradii dunida, iyo amiirrada, iyo saraakiisha sare, iyo taajiriinta, iyo kuwa xoogga weyn ah, iyo addoon kasta iyo mid kasta oo xor ahuba, waxay ku dhuunteen godadka iyo dhagaxyada buuraha; 16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka, 17 waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?
  • Tir 17:12-13 : 12 ¶ Markaasay reer binu Israa'iil Muuse la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, War bal eeg, waannu baabba'aynaa, oo waannu halligmaynaa, kulligayo waannu wada halligmaynaaye. 13 Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 33:11-13
    3 aayado
    76%

    11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.

    12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

    13¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

  • 27Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.

  • 29waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 28Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • Nax 1:5-6
    2 aayado
    72%

    5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

    6¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.

  • Ish 13:8-9
    2 aayado
    71%

    8Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.

    9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • Ish 50:10-11
    2 aayado
    71%

    10¶ Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.

    11Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

  • 1Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?

  • 7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • 3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 34Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin, Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.

  • 17Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin.

  • 20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.

  • 7Adigase waa in lagaa cabsadaa, Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?

  • 22Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.

  • 5Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.

  • 14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.

  • 31Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.

  • 11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

  • 4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • 27¶ Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.

  • 17waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

  • 69%

    25Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.

    26Waayo, binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?

  • 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 3Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 6Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • 9Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,

  • 9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 2Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.

  • 3Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.

  • 11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 13Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?

  • 8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.