Ishacyaah 33:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 48:10 : 10 Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
  • Ish 49:1 : 1 ¶ Gasiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.
  • Ef 2:11-18 : 11 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab. 12 Waagaas Masiix baad ka soocnaydeen, oo shisheeyaad ka ahaydeen dawladda reer binu Israa'iil, oo ajanabi baad ka ahaydeen axdiyada ballanka, idinkoo aan rajo lahayn, oo aan dunida Ilaah ku lahayn. 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa. 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey, 18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha.
  • Ish 57:19 : 19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu midhaha bushimahaan abuuraa. Nabad iyo nabadu ha u ahaato kan fog iyo kan dhowba. Oo isagaan bogsiin doonaa.
  • Daan 3:27-4:3 : 27 Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin. 28 Markaasaa Nebukadnesar hadlay oo wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo u soo diray malaa'igtiisa, oo badbaadiyey addoommadiisa isaga isku halleeyey, oo beddelay hadalkii boqorka, oo jidhkooda bixiyey, inayan u adeegin, ama u sujuudin ilaah kale Ilaahooda mooyaane. 29 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa. 30 Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon. 1 ¶ Anoo Boqor Nebukadnesar ah waxaan ku leeyahay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ah oo dhulka oo dhan deggan, Nabadu ha idinku badato. 2 Way ila wanaagsanaatay inaan muujiyo calaamadihii iyo yaababkii uu Ilaaha ugu sarreeyaa igu sameeyey. 3 Calaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.
  • Daan 6:25-27 : 25 ¶ Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato. 26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta. 27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.
  • Fal 2:5-9 : 5 ¶ Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta. 6 Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya. 7 Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn? 8 Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay? 9 Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya, 10 iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba, 11 iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.
  • Bax 15:14 : 14 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.
  • Yash 2:9-9 : 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.
  • Yash 9:9-9 : 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan, 10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.
  • 1 Sam 17:46 : 46 Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;
  • Sab 46:6-9 : 6 Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay. 7 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah) 8 Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka. 9 Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa. 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa. 11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
  • Sab 97:8 : 8 Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday, Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
  • Sab 98:1-2 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado. 2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
  • Sab 99:2-3 : 2 Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa. 3 Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.
  • Sab 147:12-14 : 12 Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan. 13 Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey. 14 Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
  • Sab 148:14 : 14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
  • Ish 18:3 : 3 Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.
  • Ish 37:20 : 20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?

  • Ish 46:12-13
    2 aayado
    75%

    12Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla!

    13Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

  • 1¶ Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.

  • 27¶ Bal eega, Rabbiga magiciisu meel fog buu ka imanayaa, isagoo cadho la ololaya, oo qiiqiisuna wuu weyn yahay, oo bushimihiisana dhirif baa ka buuxa, oo carrabkiisuna waa sida dab wax gubaya.

  • 23Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog?

  • 3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.

  • 12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

  • 7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

  • 5Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.

  • 8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

  • Nax 1:5-6
    2 aayado
    71%

    5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

    6¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.

  • 30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.

  • 3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 13Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.

  • 23Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

  • 13Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay.

  • 2sida dab xaabo uu u gubo oo uu biyahana u karkariyo, in magacaaga cadaawayaashaada la ogeysiiyo, iyo in quruumuhu ay hortaada ku gariiraan!

  • 12Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.

  • 11Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

  • 8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

  • Yex 22:21-22
    2 aayado
    70%

    21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.

    22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.

  • 5Taada magaceedu ba'ay ee rabshadu ka buuxdaay, kuwa kuu dhow iyo kuwa kaa foguba way kugu majaajiloon doonaan.

  • 16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.

  • 25War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 13¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 3I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.

  • 14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • 22Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.

  • 3Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.

  • 9Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.

  • 13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • 6Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.

  • 26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.

  • 15Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.

  • 19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.

  • 9Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.