Ishacyaah 43:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 43:26 : 26 Bal wax i soo xusuusiya, aynu isla muddacnee, dacwadiinna soo caddeeya, si aad xaq ku noqotaan.
  • Ish 41:1 : 1 ¶ Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.
  • Ish 41:21-26 : 21 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara. 22 Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa. 23 Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno. 24 Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo. 25 ¶ Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale. 26 Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
  • Ish 44:7-9 : 7 Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen. 8 Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo. 9 Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.
  • Ish 45:20-21 : 20 Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh. 21 Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
  • Ish 46:10 : 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.
  • Ish 48:5-6 : 5 sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay. 6 Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.
  • Ish 48:14 : 14 Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
  • Yoel 3:11 : 11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
  • Yash 24:15-24 : 15 Oo hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga. 16 Kolkaasaa dadkii waxay ugu jawaabeen, Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ka tagno oo aannu u adeegno ilaahyo kale; 17 waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan. 18 Oo Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo. 19 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona. 20 Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa. 21 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa. 22 Yashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah. 23 Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 24 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa.
  • 1 Boq 18:21-24 : 21 Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin. 22 Markaasaa Eliiyaah wuxuu haddana dadkii ku yidhi, Anigoo keliya ayaa ka hadhay nebiyadii Rabbiga, laakiinse Bacal nebiyadiisu waa afar boqol iyo konton nin. 23 Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo. 24 Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.
  • 1 Boq 18:36-39 : 36 Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey. 37 Rabbiyow, i maqal oo i maqal, inay dadkanu ogaadaan inaad adigu Ilaah tahay Rabbiyow, iyo inaad qalbigooda soo celisay. 38 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay. 39 Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.
  • Sab 49:1-2 : 1 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla, Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga, 2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare, Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
  • Sab 50:1 : 1 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.

  • Ish 41:20-23
    4 aayado
    81%

    20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

    21¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.

    22Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.

    23Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.

  • Ish 44:7-8
    2 aayado
    79%

    7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

    8Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.

  • Ish 41:26-27
    2 aayado
    77%

    26Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.

    27Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.

  • Ish 45:20-21
    2 aayado
    76%

    20Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.

    21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.

  • 9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.

  • Ish 43:12-13
    2 aayado
    73%

    12Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.

    13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • Ish 48:5-6
    2 aayado
    73%

    5sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.

    6Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.

  • 1¶ Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.

  • 1¶ Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.

  • 18Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.

  • 5¶ Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.

  • Ish 42:18-19
    2 aayado
    71%

    18¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.

    19Bal yaa indha la' addoonkayga mooyaane? Yaase dhega la' sida wargeeyahayga aan soo diray? Yaase indha la' sida kan ila nabdoon, iyo sida addoonka Rabbiga?

  • 23Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?

  • Ish 66:18-19
    2 aayado
    71%

    18Waayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.

    19Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.

  • 3Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.

  • 10Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 4Bal eega, isagaan dadyowga markhaati uga dhigay, oo hoggaamiye iyo taliyena dadyowgaan uga dhigay.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,

  • Ish 46:8-9
    2 aayado
    70%

    8¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada.

    9Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.

  • 3Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.

  • 10Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.

  • 32¶ Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.

  • 14sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.

  • 19kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!

  • 13Sayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.

  • 14Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.

  • 13¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

  • 26Bal wax i soo xusuusiya, aynu isla muddacnee, dacwadiinna soo caddeeya, si aad xaq ku noqotaan.

  • 60si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin.

  • 9Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

  • 2¶ Dadyowga oo dhammow, kulligiin maqla. Dhulka iyo waxa ku jira oo dhammow, bal dhegaysta, oo Sayidka Rabbiga ahu ha idinku marag furo, Sayidku macbudkiisa quduuska ah ha idinkaga marag furo.

  • 18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

  • 5Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.

  • 24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 11Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.

  • 1Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.

  • 21Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?