Ishacyaah 44:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 41:26 : 26 Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.
  • Ish 41:22 : 22 Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.
  • Bil 17:7-8 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Sharc 32:8 : 8 Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey, Oo uu kala soocay binu-aadmiga, Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
  • Ish 41:4 : 4 Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
  • Ish 43:9 : 9 Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.
  • Ish 43:12 : 12 Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.
  • Ish 45:21 : 21 Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
  • Ish 46:9-9 : 9 Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro. 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.
  • Ish 48:3-8 : 3 Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen. 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay, 5 sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay. 6 Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon. 7 Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin. 8 Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
  • Fal 17:26 : 26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 45:21-22
    2 aayado
    83%

    21Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

    22Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.

  • 6¶ Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.

  • 8Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.

  • 4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.

  • Ish 41:26-27
    2 aayado
    80%

    26Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.

    27Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.

  • Ish 43:7-13
    7 aayado
    79%

    7waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.

    8Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.

    9Quruumaha oo dhammu ha isu soo wada urureen, oo dadyowguna ha soo wada shireen. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxan sheegi kara oo waxyaalihii hore noo sheegi kara? Markhaatiyaashoodii ha keenteen si ay xaq ku noqdaan aawadeed, amase ha maqleen oo ha yidhaahdeen, Taasu waa run.

    10Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka iyo addoonkaygii aan doortayba markhaatiyaashaydii baad tihiin inaad ogaataan oo aad i rumaysataan, oo aad garataan inaan anigu isagii ahay. Aniga hortay Ilaah lama samayn, dabadayna innaba ma jiri doono.

    11Aniga, aniga qudhayda ayaa Rabbiga ah, oo aniga mooyaane Badbaadiye kale ma jiro.

    12Anigu waan naadiyey, oo waan badbaadiyey, oo waan muujiyey, oo ilaah qalaad dhexdiinna kuma uu jirin, haddaba sidaas daraaddeed idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii, ayaa Rabbigu leeyahay. Aniguna Ilaah baan ahay.

    13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • Ish 46:9-11
    3 aayado
    79%

    9Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.

    10Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.

    11Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.

  • Ish 48:12-13
    2 aayado
    79%

    12¶ Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.

    13Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.

  • 3Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.

  • 9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.

  • Ish 48:5-7
    3 aayado
    75%

    5sidaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.

    6Idinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.

    7Iyaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin.

  • Ish 48:15-16
    2 aayado
    74%

    15Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.

    16Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.

  • Ish 41:21-23
    3 aayado
    74%

    21¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.

    22Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.

    23Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.

  • Ish 45:5-6
    2 aayado
    73%

    5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,

    6in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.

  • 24¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.

  • 5Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno?

  • Ish 45:11-12
    2 aayado
    73%

    11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?

    12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.

  • 44Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?

  • 25Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo?

  • 6Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.

  • 26War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 25War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 18¶ Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.

  • Yer 33:2-3
    2 aayado
    71%

    2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

    3I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.

  • 23Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?

  • 21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.

  • 4Bal eega, isagaan dadyowga markhaati uga dhigay, oo hoggaamiye iyo taliyena dadyowgaan uga dhigay.

  • 13¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

  • 18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 27Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?