Ishacyaah 14:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 20:6 : 6 oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.
  • Ish 43:13 : 13 ¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?
  • Ayuub 9:12 : 12 Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
  • Sab 33:11 : 11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Ish 9:12 : 12 wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
  • Ish 23:9 : 9 Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
  • Maah 19:21 : 21 Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
  • Ayuub 23:13 : 13 Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
  • Ish 46:11 : 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.
  • Yer 4:28 : 28 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
  • Yer 51:59 : 59 ¶ Kanu waa eraygii Nebi Yeremyaah uu ku amray Seraayaah ina Neeriiyaah oo ahaa ina Maxseeyaah markuu Baabuloon u raacay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddii afraad ee boqornimadiisa. Seraayaah wuxuu ahaa amiirkii reer boqor maamulaha u ahaa.
  • Daan 4:31-35 : 31 Intii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay. 32 Oo dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 33 Oo isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed. 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac; 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?
  • Room 8:28 : 28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
  • Room 8:31 : 31 ¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?
  • Ayuub 40:8 : 8 War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 14:24-26
    3 aayado
    86%

    24¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey,

    25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.

    26Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.

  • 9Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

  • Ish 8:10-11
    2 aayado
    73%

    10Kulligiin isla tashada, taladiinnuna way buri doontaa, erayga ku hadla, mana hagaagi doono, waayo, Ilaah baa nala jira.

    11¶ Waayo, Rabbigu sidaasuu igula hadlay, isagoo gacan xoog badan leh, oo wuxuu iiga digay inaanan ku socon jidka dadkanu ay ku socdaan, wuxuuna igu yidhi,

  • 23Waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu baabbi'id la amray ku samayn doonaa dhulka dhexdiisa oo dhan.

  • 28Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.

  • 8Rabbigu wuu u qasdiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon. Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii. Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen.

  • 14Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.

  • 17Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.

  • 28inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.

  • Ish 46:10-11
    2 aayado
    70%

    10Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa.

    11Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.

  • 26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.

  • 13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?

  • Sab 33:10-11
    2 aayado
    70%

    10Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.

    11Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.

  • 35oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.

  • 37Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

  • 14sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.

  • 7Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:

  • 5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

  • 7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.

  • 29Oo taasuna waxay ka timaadaa Rabbiga ciidammada, kaasoo xagga talada yaab miidhan ah, oo xagga xigmaddana aad ugu weyn.

  • 7taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

  • 28¶ Sannaddii Boqor Aaxaas dhintay ayaa warkan culus la yidhi.

  • 9War maxaad Rabbiga la damacsan tihiin? Isagu wuu wada baabbi'in doonaa. Dhibaatana mar labaad soo ma kici doonto.

  • 14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • 9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

  • 2Bal eega, Sayidku wuxuu leeyahay mid itaal weyn oo xoog badan. Sida roobdhagaxyaale ah, iyo duufaan wax burburinaya, iyo sida daad biyo xoog badan oo wax qarqinaya ayaa gacantiisu dhulka wax ugu xoori doontaa.

  • 13Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.

  • 13Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.

  • Ish 45:12-13
    2 aayado
    68%

    12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.

    13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 12wuxuu reer Suuriya ka soo kicin doonaa xagga bari, reer Falastiinna xagga galbeed, oo waxay dadka Israa'iil ku cuni doonaan af furan. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 30Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 12Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay.

  • 16Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?

  • Ish 10:12-13
    2 aayado
    68%

    12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.

    13Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.

  • 9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

  • 16Laakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.

  • 12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,

  • 4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 24Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.

  • 15Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa.