Ishacyaah 29:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 9:19-21 : 19 ¶ Waxaad igu odhan doontaa, Muxuu weli ii eedaynayaa? Waayo, yaa doonistiisa ka gees noqda? 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay? 21 Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn?
  • Sab 94:8-9 : 8 Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan? 9 Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
  • Ish 45:9-9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh? 10 Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa? 11 Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?
  • Ish 64:8 : 8 Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay.
  • Yer 18:1-9 : 1 ¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, 2 Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa. 3 Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya. 4 Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd. 5 ¶ Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale. 7 Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo, 8 haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo. 9 Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero, 10 hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talaggalay.
  • Fal 17:6 : 6 Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,
  • Ish 24:1 : 1 ¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 45:9-11
    3 aayado
    81%

    9¶ Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh?

    10Waxaa iska hoogay kii aabbe ku yidhaahda, War maxaad dhalaysaa? Amase naag ku yidhaahda, Na maxaad ku foolanaysaa?

    11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?

  • Yer 18:2-6
    5 aayado
    79%

    2Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa.

    3Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya.

    4Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd.

    5¶ Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    6Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.

  • Room 9:20-21
    2 aayado
    78%

    20Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay?

    21Dheriyasameeyuhu miyuusan lahayn amar uu ugu taliyo dhoobada inuu fud keliya in ka sameeyo weel cisa leh, inta kalena mid aan cisa lahayn?

  • 8Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay.

  • 20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

  • 17Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?

  • 14Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,

  • Ish 44:9-11
    3 aayado
    73%

    9Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.

    10Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?

    11Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan.

  • Ish 29:14-15
    2 aayado
    73%

    14sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.

    15¶ Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?

  • 50Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?

  • Ayuub 10:8-9
    2 aayado
    73%

    8Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay, Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.

    9Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey, Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?

  • 2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,

  • 24Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.

  • Ish 40:18-19
    2 aayado
    71%

    18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

    19Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.

  • 14Oo isna wuxuu u burburin doonaa sida weelka dheryasameeyahu u burburo oo kale, isagoo burburinaya oo aan u tudhayn, oo sidaas aawadeed burburkiisa lagama dhex heli doono jajab dab meeshiisa lagaga qaado ama biyo berkedda lagaga dhuro.

  • 25Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga,

  • 21Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?

  • 16Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed.

  • 13Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?

  • 16Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,

  • 25War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 17Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.

  • 14Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.

  • 26War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.

  • 15Miyuu faasku ka faanaa kan isaga wax ku gooya? Minshaartuna miyey iska sii weynaysaa kan iyada ku shaqeeya? Waa sida haddii ulu iska gilgisho kuwa iyada kor u qaada, amase sida hangool kor u qaada kan aan qori ahayn?

  • 18¶ Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.

  • 17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

  • 6Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.

  • 6Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.

  • 8Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

  • 20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

  • 18¶ Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'.

  • 15Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?

  • 18Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.

  • 27Waayo, Rabbiga ciidammadu waxan wuu u qasdiyey, haddaba bal yaa burin doona? Oo gacantiisiina way soo fidsan tahay, yaa dib u celin doona?