Yo'eel 3:11
Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
12Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan.
13Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.
14Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.
9¶ Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.
10Haddaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay.
1¶ Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen.
3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.
4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.
5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.
6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.
1¶ Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,
20Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.
3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.
5¶ Dalka Yahuudah ka dhex sheega, oo Yeruusaalem ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, War dalka dhexdiisa buunka ku dhufta, oo aad u qayliya, oo waxaad tidhaahdaan, Isa soo urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee.
9¶ Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.
9She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.
8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.
1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.
9Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.
1¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.
15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.
9Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.
14Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
15Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.
1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
27Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Dhawaaq baa gaadhi doona tan iyo dhulka darafkiisa, maxaa yeelay, Rabbigu dacwad buu la leeyahay quruumaha, oo wuxuu la muddacayaa binu-aadmiga oo dhan, oo kuwa sharka ahna seef buu u gacangelin doonaa.
1¶ Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.
3Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
9¶ Dadyowgow, qayliya, waadna jajabi doontaan, kuwiinna dalalka fogow, dhegaysta, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan, guntiga isku dhuujiya, waadna jajabi doontaan.
8Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
3¶ Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada.
4Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah.
4Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.
26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.
15Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.
19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
16Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.
5¶ Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.
9¶ Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.
3Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.
22¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
11Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
7Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.