Ishacyaah 13:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoel 3:11 : 11 Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
  • Sab 149:2 : 2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
  • Sab 149:5-9 : 5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa. 6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto, 7 Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan, 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan, 9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
  • Ish 23:11 : 11 Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.
  • Ish 44:27-28 : 27 Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa, 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa.
  • Ish 45:4-5 : 4 Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon. 5 Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,
  • Yer 50:21-46 : 21 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ku soo kaca dalka Meraatayim, iyo dadka Feqood degganba. Laaya oo wada baabbi'iya oo sidaan idinku amray oo dhan yeela. 22 Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood. 23 Dubbihii dunida oo dhammu sidee buu u kala jabay oo uu u burburay! Baabuloon sidee bay quruumaha dhexdooda cidla ugu noqotay! 24 Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay. 25 Rabbigu meesha hubkiisuu furay, oo wuxuu soo bixiyey hubkii dhirifkiisa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay shuqul uu ku dhex samayn doono dalka reer Kaldayiin. 26 Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina. 27 Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda! 28 Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa. 29 Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 30 Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay. 31 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa. 32 Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan. 33 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan. 34 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo. 35 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah. 36 Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan. 37 Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa. 38 Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan. 39 Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono. 40 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin. 41 Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona. 42 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Baabuloonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale. 43 Boqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale. 44 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona? 45 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa. 46 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
  • Yer 51:20-24 : 20 ¶ Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa. 21 Oo adigaan kugu burburin doonaa faraska iyo kan fuushanba, oo adigaan kugu burburin doonaa gaadhifaraska iyo kan fuushanba, 22 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa ragga iyo dumarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa odayga iyo barbaarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa wiilka iyo gabadhaba, 23 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba. 24 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
  • Muj 17:12-18 : 12 Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale. 13 Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka. 14 Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah. 15 ¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf. 16 Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab. 17 Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan. 18 Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.
  • Muj 18:4-8 : 4 ¶ Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline; 5 waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii: 6 Iyada wax u siiya sidii ay wax idiin siisay oo kale, oo weliba u sii labanlaaba sida shuqulkeedu ahaa; oo koobkii ay wax idiinku qastay, wax ugu qasa labanlaab. 7 Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo. 8 Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.
  • Muj 18:20-19:7 : 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay. 21 ¶ Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan. 1 ¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga; 2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray. 3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. 4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya. 5 ¶ Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba. 6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah. 7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.
  • Cesr 1:1-9 : 1 ¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi, 2 Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. 3 Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.) 4 Oo ku alla kii ku hadha meesha uu deggan yahay, dadka ay isku degmada yihiin ha ku caawiyaan lacag iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, oo ayan ku jirin qurbaanka ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. 5 ¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal. 6 Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin. 7 Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa. 8 Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa. 9 Oo tiradoodiina waa tan, soddon saxan oo dahab ah, iyo kun saxan oo lacag ah, iyo sagaal iyo labaatan mindiyood, 10 iyo soddon maddiibadood oo dahab ah, iyo afar boqol iyo toban maddiibadood oo ah lacagta caynka labaad ah, iyo kun weel oo kale. 11 Oo kulligood weelashii dahabka iyo lacagta ahaa waxay isku ahaayeen shan kun iyo afar boqol. Oo intaas oo dhan Sheeshbasar wuu wada keenay, markii Yeruusaalem la keenay maxaabiistii Baabuloon laga soo celiyey.
  • Cesr 6:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil. 2 Markaasaa magaalada Axmetaa la yidhaahdo oo ku tiil gobolka Maadi ayaa hoygii boqorka laga helay qorniin duudduuban, oo waxaa xusuus ugu qornaa wax sidan ah. 3 Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun; 4 oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka. 5 Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah. 6 Haddaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada, 7 oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen. 8 Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba. 9 Oo wax alla wixii ay u baahan yihiin oo ay wadaaddada Yeruusaalem jooga idin weyddiistaan oo ah dibi yaryar, iyo wanan, iyo baraar, oo ay Ilaaha samada qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, iyo sarreen, iyo cusbo, iyo khamri, iyo saliidba ha la siiyo maalin kasta, oo yaan laga baajin, 10 inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba. 11 Oo weliba waxaan kaloo amar ku bixiyey in ku alla kii eraygan beddela gurigiisa loox weyn laga bixiyo, oo inta la qotomiyo, isaga lagu deldelo, oo gurigiisana taas aawadeed ha laga dhigo taallo digo ah, 12 oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo. 13 ¶ Wixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen. 14 Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris. 15 Oo gurigaas dhismihiisii waxaa la dhammeeyey sannaddii lixaad oo dowladnimadii Boqor Daariyus bishii Adaar maalinteedii saddexaad. 16 Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan. 17 Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil. 18 Oo sida kitaabkii Muuse ku qoran waxay wadaaddadii u qaybiyeen qaybahoodii, kuwii reer Laawina jagooyinkoodii, adeegidda Ilaah oo Yeruusaalem laga adeegayo aawadeed. 19 ¶ Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad ayaa dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday waxay dhawreen Iiddii Kormaridda. 20 Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba. 21 Oo waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, 22 oo waxay toddoba maalmood farxad ku dhawreen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, waayo, Rabbigu aad buu uga farxiyey, oo wuxuu iyaga u soo jeediyey qalbigii boqorkii Ashuur inuu gacmahooda xoogeeyo intay ka shaqaynayeen gurigii Ilaah, kaasoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Cesr 7:12-26 : 12 Anigoo ah Artaxshasta boqorkii boqorrada, waxaan u qorayaa wadaadkii Cesraa oo ah karraanigii sharciga Ilaaha samada ee kaamil ah, iyo wax la mid ah. Salaan 13 ¶ Waxaan amar ku bixinayaa in dadka reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadooda, iyo reer Laawi, inta boqortooyadayda ku jirta, ee ikhtiyaarkooda u doonaya inay Yeruusaalem tagaan, ay dhammaan ku raacaan. 14 Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaahaaga oo gacantaada ku jira, 15 iyo inaad qaaddid lacagta iyo dahabka ay boqorka iyo lataliyayaashiisu ikhtiyaarkooda ugu bixiyeen Ilaaha reer binu Israa'iil oo rugtiisu tahay Yeruusaalem, 16 iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis, 17 haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagtan ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aad ku dul bixisaa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal. 18 Oo lacagta iyo dahabka intooda kale ku sameeya wax alla wixii adiga iyo walaalahaa idinla wanaagsan oo sida Ilaahiin doonayo ah. 19 Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem. 20 Oo wax alla wixii kaloo loogu baahan yahay guriga Ilaahaaga aawadiis, ee kugu habboon inaad bixiso, ka bixi boqorka gurigiisa khasnadda ah. 21 Oo weliba anigoo ah Boqor Artaxshasta waxaan amar ku siinayaa khasnajiyada webiga shishadiisa jooga oo dhan, in dadaal lagu sameeyo wax alla wixii uu idin weyddiisto wadaadka Cesraa oo ah karraaniga sharciga Ilaaha samada, 22 intii ku siman boqol talanti oo lacag ah, iyo boqol kor oo sarreen ah, iyo boqol bad oo khamri ah, iyo boqol bad oo saliid ah, iyo cusbo aan la xisaabin intay tahay. 23 Haddaba wax alla wixii Ilaaha samadu uu amro saas dadaal ha loogu sameeyo guriga Ilaaha samada aawadiis, waayo, bal maxay cadho ugu dhacaysaa boqortooyada boqorka iyo wiilashiisa? 24 Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna. 25 Oo adigoo Cesraa ahu xigmadda Ilaahaagu ku siiyey ku dooro xaakinno iyo qaadiyo u garsoora dadka webiga ka shisheeya oo dhan, in alla inta taqaan sharciyada Ilaahaaga, oo kii aan aqoonna bara. 26 Oo ku alla kii aan addeecin sharciga Ilaahaaga iyo sharciga boqorka, xukun ha lagu soo dejiyo, iyadoo aad loogu dadaalayo, hadday tahay in la dilo, ama in la masaafuriyo, ama in xoolihiisa lagala wareego, amase in la xidho.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 13:4-5
    2 aayado
    78%

    4Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka.

    5Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba.

  • Yoel 3:11-12
    2 aayado
    74%

    11Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.

    12Haddaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan.

  • 8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

  • 13¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

  • 14Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.

  • 2Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan.

  • 5Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 9¶ Haddaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.

  • Ish 48:13-15
    3 aayado
    71%

    13Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.

    14Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.

    15Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.

  • 13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.

  • 3Adhijirrada aad baan ugu cadhooday, oo waxaan ciqaabi doonaa orgida, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu soo booqday idihiisii ahaa dadka dalka Yahuudah, oo wuxuu ka dhigi doonaa sida faraskiisa sharafta leh oo dagaalka ku jira.

  • 3Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.

  • 6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • Ish 45:12-13
    2 aayado
    70%

    12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.

    13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.

  • 6Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.

  • 16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 30Oo Rabbiguna wuxuu ka dhigi doonaa in codkiisa haybadda badan la maqlo, oo wuxuu muujin doonaa soodejinta gacantiisa, oo ay la jiraan dhirifkii cadhadiisa, iyo dab wax gubaya ololkiis, iyo roob weyn oo kedis ah, iyo duufaan, iyo roobdhagaxyaale.

  • 13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.

  • 9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

  • 2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

  • 22Sidii maalin ciid ah oo kale ayaad dhinac kasta iigaga yeedhay kuwii aan ka cabsan jiray, Oo maalinta cadhada Rabbiga midna ma baxsan mana hadhin, Kuwii aan koolkooliyey oo aan koriyey cadowgaygaa baabbi'iyey.

  • 16laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.

  • 1Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.

  • 23Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

  • 3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.

  • 21oo ah dadkaan abuurtay si ay ammaantayda u muujiyaan.

  • Sak 1:14-15
    2 aayado
    69%

    14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.

    15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

  • 13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.

  • 4Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.

  • 7Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 3Buurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.

  • 4Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.

  • 27markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.

  • 27Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.

  • 9waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.

  • 19Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 23Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.