Ishacyaah 48:13
Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
Gacantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ah Uumihiisu wuxuu leeyahay, Waxyaalaha iman doona ma i weyddiinaysaan, oo wax ku saabsan wiilashayda, iyo shuqulka gacmahayga ma igu amraysaan?
12Dhulka anigaa abuuray, oo dad baan ku dul uumay. Aniga qudhayda ayaa samooyinka gacmahayga ku kala bixiyey, oo ciidankooda oo dhanna anigaa amray.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Boqor Kuuros ayaan xaqnimo ku sara kiciyey, oo jidadkiisa oo dhanna waan toosin doonaa. Magaaladayduu dhisi doonaa, oo maxaabiistaydana wuu sii dayn doonaa, mana aha iib aawadiis amase laaluush aawadiis toona.
12¶ Reer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.
50Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?
13Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14Kulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
15Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.
16Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
25Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
21Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
13¶ Tan iyo maalintii ugu horraysay anigu waxaan ahay isagii, oo mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin kara, anigu waan shaqayn doonaa, balse yaa hor joogsan kara?
24¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya.
5¶ Saas waxaa leh Ilaaha Rabbiga ah oo samooyinka uumay oo kala bixiyey, kan dhulka iyo waxa ka soo baxaba kala fidiyey, kan dadka jooga neefta siiya, oo kuwa dhulka ku socdana ruuxa siiya.
6Aniga Rabbiga ah ayaa xaqnimo kuugu yeedhay, oo gacantaan kugu hayn doonaa, oo waan ku dhawri doonaa, oo dadyowga ayaan axdi ahaan kuu siin doonaa, oo iftiin ahaan baan quruumaha kuu siin doonaa,
15¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
4Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
9waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
10Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
13Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.
25Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.
12¶ Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay?
11Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
16Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.
10Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
12¶ Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
3Tan iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.
7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.
2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.
26Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.
5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
1¶ Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Israa'iil. Rabbigii samada kala bixiyey, oo aasaaska dhulka dhigay, oo dadka naftiisa ku dhex sameeyey wuxuu leeyahay,
17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
1Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
21Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka?
40Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
4Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.
5Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.
20in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.
2Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
14Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.
18¶ Waayo, Rabbiga samooyinka uumay oo ah Ilaaha dhulka uumay, oo sameeyey, oo dhisay, oo aan si aan waxba tarayn u uumin, laakiinse u uumay in la degganaado wuxuu leeyahay, Anigaa Rabbiga ah mid kalena ma jiro.
27Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
10Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta.
17Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
6Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.
26Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.