21Kuwa xoogga badan madaxdooda ayaa iyada iyo caawimayaasheeda She'ool kala dhex hadli doona. Hoos bay u dhaadheceen, wayna jiifaan, iyagoo buuryaqabyo ah oo seefta lagu laayay.
22Reer Ashuur iyo guutadiisii oo dhammu halkaasay joogaan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, iyagoo kulligood la laayay, oo seef ku le'day.
23Qabuurahoodu waxay ku yaalliin yamayska meelaha ugu hooseeya, oo guutadiisuna waxay ku wareegsan tahay qabrigiisa. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la wada laayay, oo seef bay ku le'deen.
24Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen.